Soomaaliya oo mar kale taageertay siyaasadda "hal China"

Image
Talaabadan ayaa u muuqata mid jawaab u ah isu-soo-dhowaanshiyaha Taiwan iyo Somaliland.

BEIJING, China - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa waddanka Shiinaha, Wang Yi.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ku qotoma ixtiraamka iyo ilaalinta qarannimada, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee labada dowladood.

Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya ayaa xustey in wasiiraddu ay sidoo kale diiradda saareen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada dal.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Iyo sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta, ganacsiga iyo dhaqaalaha, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada Shacab ee saaxiibbada ah".

Cali ayaa, sida ku xusan bayaanka, wuxuu uga mahad celiyey dowladda Shiinaha doorka ay ka qaateen gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go'an tahay horumarinta iskaashiga dheef wadaagga ah ee kala dhexeeya Shiinaha".

Wadahadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay dhowaan taageertay mabda' "hal China" kaasoo meesha ka saaraya madax-banaanida dowladeed ee ay sheegato Taiwan.

Xukuumadda Muqdisho ayaa uga digtey Taiwan cilaaqaadka ay la sameysatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland waxayna ku boorisay in ay ka waantowdo "xadgudubkaas".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM