Soomaaliya oo Qorsheynaysa Siyaasad Dhexdhexaadnimo ee Xiriirka Masar iyo Itoobiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay ku dhaqmeyso siyaasadda dhexdhexaadnimo ee xiriirka ay la leedahay dalalka Masar iyo Itoobiya, iyada oo labada dal ay isku haya arrimaha biyaha Webiga Niil.

Cali Balcad, oo ah shaqsi aad ugu dhaw Xasan Sheekh, hayana xilka Wasiir u Dowlaha Arrimaha Dibadda, ayaa cadeeyay in xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Masar uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirka Itoobiya, taasoo dad badan ku tilmaameen inay tahay mid aan suurta-gal ahayn.

Wasiirka wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay raaceyso siyaasad dibadeed oo dhexdhexaad ah, taas oo ku saleysan inaysan dhinacna u janjeerin ama cidi laga fogeyn. "Soomaaliya waxay doonaysaa inay xiriir wanaagsan la yeelato dhammaan dalalka caalamka, iyada oo aan dhinacna u janjeerin," ayuu yiri Wasiir Balcad.

Dhinaca kale, Masar ayaa si gaar ah uga warqabta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan heshiiskii dhowaan lagu soo afjaray xiisadda labada dal. Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in dalkiisu mar walba diyaar u yahay difaaca qaranimada Soomaaliya.

Masar ayaa sidoo kale muujisay welwel ku saabsan in Itoobiya laga oggolaado heshiis ay ku isticmaalayso badda Soomaaliya, oo ay doonayso inay ka dhisato dekad ay wax kasoo degsato,  oo iyada toos u maamusha, waxayna tani u yeelaysaa Itoobiya saameyn Badda Cas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badri C/llaati ayaa ka digay in dalal aan badda lahayn ay dhistaan saldhigyo militari Badda Cas, taasoo uu sheegay inay si weyn u khatar gelin karto ammaanka gobolka Geeska Afrika oo loolan adag ka billowday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM