Soomaaliya oo Serbia waydiisatay taageero dhanka ammaanka ah

Image
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya General Abdullahi Sheekh Ismaaciil ayaa ku sugan Belgrade.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya General Abdullahi Sheekh Ismaaciil - Fartaag oo ku guda jira booqashadisii Belgrade Serbia ayaa maanta booqaday Machaddka Daraasaadka Cilmi baarita Amniga Dunidda Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Tiknoolajidda ee Vlatacom.

Madaxda Machaddka Vladimir Dr. Vladimir Cizelj ayaa Wasiirka wax bixin guud ka siiyay shaqada ay u xilsaaran yihiin iyo xiriirka Machaddka uu la leeyahay in ka badan 96 dalka oo uu Machaddku la shaqeeyo.

Machaddka Vlatacom ee Serbia oo qabta hawlo aad u fara-badan ayaa Dowladda Soomaaliya u soo bandhiga fursado ay Soomaaliya u baahan tahay oo wax weyn ka tari doono Dowlad dhiska dalkeen, waxaana Wasiirka la tusay howlaha ka socoda xarunta Vlatacom, sidoo kale waxaa lagu wareejiyay documents uu ka xulan doono baahida hortabinta leh ay u qabaan shaqadda khibradda iyo Machaddka Vlatacom uu bixiyo.

Wasiirka Amniga Gudaha General Abdullahi Sheikh Ismail - Fartaag  ayaa mahad balaaran u celiyay Dowladda Serbia iyo dhamaan Madaxda kala ee uu kula kulamay Belgrade Serbia. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM