Soomaaliya oo Serbia waydiisatay taageero dhanka ammaanka ah

Image
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya General Abdullahi Sheekh Ismaaciil ayaa ku sugan Belgrade.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya General Abdullahi Sheekh Ismaaciil - Fartaag oo ku guda jira booqashadisii Belgrade Serbia ayaa maanta booqaday Machaddka Daraasaadka Cilmi baarita Amniga Dunidda Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Tiknoolajidda ee Vlatacom.

Madaxda Machaddka Vladimir Dr. Vladimir Cizelj ayaa Wasiirka wax bixin guud ka siiyay shaqada ay u xilsaaran yihiin iyo xiriirka Machaddka uu la leeyahay in ka badan 96 dalka oo uu Machaddku la shaqeeyo.

Machaddka Vlatacom ee Serbia oo qabta hawlo aad u fara-badan ayaa Dowladda Soomaaliya u soo bandhiga fursado ay Soomaaliya u baahan tahay oo wax weyn ka tari doono Dowlad dhiska dalkeen, waxaana Wasiirka la tusay howlaha ka socoda xarunta Vlatacom, sidoo kale waxaa lagu wareejiyay documents uu ka xulan doono baahida hortabinta leh ay u qabaan shaqadda khibradda iyo Machaddka Vlatacom uu bixiyo.

Wasiirka Amniga Gudaha General Abdullahi Sheikh Ismail - Fartaag  ayaa mahad balaaran u celiyay Dowladda Serbia iyo dhamaan Madaxda kala ee uu kula kulamay Belgrade Serbia. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM