Soomaaliya oo Shiinaha uga qeybgashay shir looga hadlay amniga

Image
Kulankan ayaa u dhaxeeyay Dowladda Shiinaha iyo Ururka Iskaashiga Boliiska Bariga Afrika (EAPCCO).

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Salub Axmed Firin iyo wafdi Saraakiil uu hoggaaminaayo ayaa ka qeyb galay shirkii u horeeyay ee Dowladda Shiinaha iyo Ururka Iskaashiga Boliiska Bariga Afrika (EAPCCO).

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Shiinaha iyo Ururka Iskaashiga Boliska Bariga Afrika (EAPCCO) si looga hortago dembiyada Argagixisada, Dembiyada Abaabulan, iyo kuwa isaga gudba xuduudaha, si loo ilaaliyo badqabka dhammaan muwaadiniinta ku nool Bariga Africa iyo Shiinaha.

Sidoo kale, Taliyaasha Boliiska Bariga Afrika iyo Dowladda Shiinaha ayaa kala saxiixday Heshiis Isfaham oo ujeedadiisu tahay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyada oo laga faa'idaysanaayo horumarka Teknolojiyadda casriga ah iyo tayeynta Hayadaha Amniga Bariga Africa.

Ugudanbeyn, waxaa la isla gartay muhiimadda joogteeyo kulamadaan, si loo adkeeyo is dhaafsiga khibradaha amni iyo kuwa farsamo ee Ciidanka Bolioska Bariga Africa iyo Dowladda Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM