Soomaaliya oo Soo Dhawaysay Taageerada Masar iyo Ku Soo Biirista Hawlgalka Midowga Afrika

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhawaysay dhambaal taageero ah oo ka yimid dowladda Masar, taasoo muujisay isku-duubni iyo garab istaag dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca amniga iyo xasilinta dalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay aad u qiimeyneyso taageerada joogtada ah ee MasarWasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay aad u qiimeyneyso taageerada joogtada ah ee Masar, taasoo ka tarjumeysa xiriirka qotoda dheer iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

“Dhambaalka ka yimid Masar wuxuu ku soo beegmay xilli muhiim ah iyadoo Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto sidii dib loogu soo celin lahaa nabadda, amniga, iyo kala dambeynta dalka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Taageerada Masar waxay ka koobantahay siin ciidan qalab militari iyo tababaro la xiriira ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, ciidamo ka socda Masar ayaa lagu wadaa inay dhawaan ku soo biiraan Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), oo beddelaya hawlgalkii ATMIS, taasoo ay saraakiisha Soomaaliya u arkaan inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dadaallada amniga.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sidoo kale tilmaantay in ka qaybgalka joogtada ah ee Masar uu muujinayo ballanqaad wadajir ah oo ku aaddan nabadda gobolka iyo iskaashi dheer oo labada dal yeesheen.
 
 GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM