Soomaaliya oo u coddeysay qaraar ka dhan ah Ruushka

Image
Golaha loo-dhan-yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey qaraarka oo lagu cambaareynayo qansashada Putin ee gobolada Ukraine.

NEW YORK, United States - Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in uu cambaareeyo isku dayga Ruushka uu ku doonayo in uu ku qabsado afar gobol oo ka tirsan Ukraine.

Qaraarka ayaa waxaa taageeray 143 dal, halka 35 dowladood oo ay ku jiraan Shiinaha iyo Hindiya ay ka aamuseen.

Si la mid ah Ruushka, afar waddan ayaa diiday codbixinta, kuwaas oo kala ah Belarus, North Korea, Syria iyo Nicaragua. Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada u coddeeyay ama taageeray qaraarkan.

Inkasta oo ay astaan ​​u tahay, haddana waxay ahayd tiradii ugu badnayd ee codadkii laga dhiibtay Ruushka tan iyo duullaankii.

Toddobaadkii hore, xaflad weyn oo ka dhacday Kremlin, ayuu madaxweyne Vladimir Putin ku saxiixay dukumentiyo in gobollada bariga Ukraine ee Luhansk, Donetsk, Zaporizhzhia iyo Kherson ay ka mid noqdaan Ruushka.

Heshiisyadan ayaa waxaa la saxiixday Hogaamiyaasha afarta gobol ee fadhigoodu yahay Moosko, waxaana heshiiskan uu yimid ka dib markii ay iskood ugu dhawaaqeen afti laga qaaday deegaanadaasi oo ay reer galbeedku ku tilmaameen mid been abuur ah.

Qaraarkan waxa uu beesha caalamka ugu baaqayaa in aanay aqoonsan mid ka mid ah sheegashada Ruushka ee ku biiritaanka, waxana uu dalbanayaa in si degdeg ah looga noqdo. Waxay soo dhawaynaysaa oo "muujinaysaa taageerada xooggan" ee dadaalka lagu qaboojinayo colaadda iyadoo loo marayo wadahadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM