Soomaaliya oo u sacba tuntay howlgalka cusub ee Midowga Afrika

Image
ATMIS-ka ayaa ka shaqeyn doona sidii loo diyaarin lahaa ciidamada amniga Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa Jimcihii shalay soo dhaweysay tallaabadii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dib u habeyn ugu sameeyay howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya, iyadoo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay billaabeen in ay shaqada ku wareejiyaan howlgalka cusub ee KMG ah ATMIS.

Hawlgalka AMISOM oo dalka ku sugnaa 15-kii sano ee la soo dhaafay ayaa ka kooban 20,000 oo askari, booliis iyo shaqaale rayid ah, kuwaas oo gacan ka siinayey ciidamada Soomaaliya la dagaalanka argagixisada, waxaana ugu dambayn howlgalkoodu soo dhammaaday Khamiistii.

ATMIS-ka ayaa ka shaqeyn doona sidii loo diyaarin lahaa ciidamada amniga Soomaaliya si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka sanadka 2024-ka.

"Dowladdu waxa ay weli ka go'an in ay si buuxda u xaqiijiso wareejinta mas'uuliyadda amniga ee ATMIS-ta lagu wareejinayo Ciidanka Soomaaliya," ayuu yiri qoraalka lagu faafiyay warbaahinta dowladda.

Talaabadan ayaa timid kadib markii golaha amaanka ay fiidnimadii Khamiista si wada jir ah u ansixiyeen go’aan hore oo ay Midowga Afrika ka gaareen dib u habeynta AMISOM ee ATMIS iyadoo mas’uuliyiintii hadlay ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo sii wadida ka hortagga Al-shabaab iyagoo rajo ka muujiyay in dowladda Soomaaliya si tartiib tartiib ah u qaado mas'uuliyado amni oo weyn oo horay u socda.

Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628 (2022) ayaa si wadajir ah u soo koobay rajada Goluhu ka filayo dowladda Soomaaliya ee la xiriira fududeynta hannaanka doorashada iyo qaadashada mas’uuliyadda amniga qaranka; baahida loo qabo in laga hortago Al-shabaab; dib u habeynta AMISOM ee ATMIS ee Soomaaliya; Doorka Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya; codsiyada taageerada maaliyadeed ee caalamiga ah; iyo shuruudaha ka warbixinta dowladda Soomaaliya iyo AU.

UNSC waxa ay u fasaxday Ergada cusub in ay daba socoto, oo ay ku jirto in si wadajir ah loo fuliyo hawlgallo qorsheysan iyo kuwo lala beegsado ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si hoos loogu dhigo al-Shabaab iyo kuwa xiriirka la leh dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam/Daacish iyo taageeridda kobcinta tayada ciidamada ammaanka Soomaaliya.

UNSC waxa ay u fasaxday Ergada cusub in ay daba socoto, oo ay ku jirto in si wadajir ah loo fuliyo hawlgallo qorsheysan iyo kuwo lala beegsado ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si hoos loogu dhigo al-Shabaab iyo kuwa xiriirka la leh dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam/Daacish iyo taageeridda kobcinta tayada ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Goluhu wuxuu sheegay in gabagabada hannaanka doorashada ay gacan ka geysan doonto horumarka mudnaanta qaranka iyo taageerada kala guurka taageerada amniga caalamiga ah waxayna ugu baaqeen maamulada Soomaaliya inay la wareegaan mas'uuliyadda weyn ee amniga qaranka.

AMISOM, oo waqtigiisu dhacay Khamiistii, ayaa ahayd hawlgal taageero nabadeed oo ay ku sugnaayeen ku dhawaad 20,000 oo askari oo ka kala socda Kenya, Itoobiya, Uganda, Burundi iyo Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM