DF Soomaaliya oo hay'addo ku canaanatay talaabo ay qaadeen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumada federaalka ah ayaa fartay hay'addaha ka howlgalka Muqdisho in aysan marin-habaabin magaca garoonka diyaaradaha caasimada.

War-saxaafadeed wasaarada kasoo baxay kaasoo si toos ah ugu socdey xafiisyadda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, AMISOM, Midowga Yurub iyo hay'addo kale ayaa lagu canaanatey talaabadaasi.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, hay'ddahaasi ayaa adeegsada magaca Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho markay hadlayaan mas'uuliyiintooda ama ay bayaan soo saarayaan.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa lagu sharfey isla markaana loogu magac-daray madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan [Aadan Cadde].

"Sidaasi awgeeda, garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, waa magaca rasmiga ah ee madaarka Muqdisho," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah oo ku taariikheysan 17-ka June 2019.

Bayaanka oo sii socda ayaa wuxuu intaasi raaciyey: "Fadlan joojiya ku adeegsiga qoraaladiina iyo hadal-jeedintiina Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho".

Horaantii sanadkan ayey ahayd markii ay sidaan oo kale xukuumadda Soomaaliya ay fartay hay'addahan in aysan wax qashin ah ku shubi karin agagaarka garoonka diyaaradaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM