Soomaaliya oo ururka ONLF ka saartey liiska argagixisada

Image
Golaha Wasiirada xukuumada xilgaarsiinta ayaa "sharci darro" u aqoonsadey dhiibistii Qalbi-dhagax.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa liiska argagixisada waxay saartey jabhadda xorreynta Ogaadeeniya ee ONLF, sida uu maanta shaaciyey xafiiska ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu caddeeyay in xukuumadda ay sidoo kale "sharci darro" u aqoonsatay dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi-dhagax.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in go'aankan uu kasoo baxay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiiradda.

"Golaha Wasiirrada XFS oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Ethiopia," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee xafiiska.

Kiiskan ayaa bar-madow wuxuu ku yahay maamulka mudo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo. Go'aanka xukuumadda Rooble wuxuu ka dhigan yahay in uu dhaawac weyn oo gaarey damaciisa dib-u-doorashadda.

Axmed Macalin Fiqi, wasiirkii hore ee amniga Galmudug ahna xubin ka tirsanaa Golaha Shacabka baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, ayaa sheegay in golaha wasiiradda ay maanta "indhaha ka fureen Qalbi-dhagax".

"Raysulwasaare Rooble, wasiirkiisa Amniga Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo golaha xukuumaddu waxay mudan yihiin bogaadin, waxaana xusi doonto taariikhda, haddii xukuumadani ay waxqabatayna waa kii u weynaa," ayuu yiri.

Qalbi-dhagax ayaa ah xubin sarre oo ka tirsan jabhadda xoreynta ONLF. Sidoo kale, waxaa uu kamid ahaa ciidamadda xoogga Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa dagaalkii lala galay dalka Itoobiya ee 1977-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM