Soomaaliya oo xarun u noqoneysa diblomaasiyadda gobolka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika, Thabo Mbeki iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha oo wafdigan uga warbixiyey miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha ay doonayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay u leedahay amniga Gobolka.

“Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan," ayuu yiri.

Famaajo ayaa sheegay in doorka Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu ay horseedayso in aan xarun weyn u noqonno diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka.

Dhankiisa, Mbeki oo ah Madaxa Guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika Mudane Thabo Mbeki ayaa dib u milicsaday sooyaalka dalkeenna iyo maqaamkii aynu ku lahayn Qaaradda Afrika iyo caalamka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika.

“Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.”

Wafdigan oo ka kooban 30-xubnood oo ay Soomaali ku jiraan ayaa waxay dalka u yimaadeen qiimeyn ay ku sameeyaan dhinacyadda; amniga, siyaasada iyo dhaqaalaha, iyaga oo ka diyaarinaya warbixin.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM

Midowga Africa oo Shir degdeg ah ka yeeshay go'aanka uu Mareykanku ku jaranayo dhaqaalaha howlgalka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu tan iyo sannadkii 2007 ku bixiyay ku dhowaad $2 bilyan taageerada AMISOM iyo ATMIS.

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 04:25PM