Soomaaliya: Puntland oo Lagu Ammaanay Dagaalkii Ka Dhanka ahaa Daacish
Muqdisho — Dowladda Mareykanka ayaa sii xoojisay duqeymaha cirka iyo hawlgallada milatari ee ay ka waddo Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay in la wiiqo khatarta weerarro argagixiso oo ka iman kara kooxaha xagjirka ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayaan falal ka dhan ah gudaha Mareykanka iyo dalalka Yurub.
Sida uu sheegay Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal John Brennan, kooxaha ugu weyn ee la beegsanayo ayaa la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin Daacish (ISIS) iyo Al-Qaacida. Brennan ayaa waraysi gaar ah ku sheegay in Soomaaliya ay noqotay mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee xarun u ah khatarta argagixisada caalamiga ah.
“Halista maanta ma aha mid ku kooban Afrika oo kaliya,” ayuu yiri Brennan, “waxay gaari kartaa Yurub iyo gudaha Mareykanka, waxaana jira shabakad caalami ah oo Daacish ah oo ka hawlgasha dhulka Soomaaliya.”
Tiro Kororka Duqeymaha
Sanadkii 2025, AFRICOM oo la kaashaneysa ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibo kale ayaa fulisay in ka badan 120 duqeyn oo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xarumaha iyo maleeshiyaadka ISIS-Soomaaliya iyo Al-Shabaab. Tani waxay ahayd tiro aad uga badan hawlgalladii la fuliyay sanadkii ka horreeyay.
Bilowga 2026, weerarro kale oo dheeraad ah ayaa la qaaday, taasoo muujinaysa in ololaha milatari ee Mareykanka uu galay marxalad cusub oo xoojin ah.
Hoggaamiyaha ISIS oo Laga Raadinayo Buuraleyda Golis
Brennan ayaa sheegay in hoggaamiyaha caalamiga ah ee shabakadda ISIS, Cabdulqaadir Muumin, lagu tuhunsan yahay inuu ku sugan yahay Buuraleyda Golis ee waqooyi-bari Soomaaliya. Sida uu tilmaamay, halkaas ayay kooxdu ka hagtaa hawlgallo gaari kara dalal kala duwan oo ku yaalla Aasiya, Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.
“Ma dooneyno in uu helo meel ammaan ah,” ayuu yiri Brennan, isagoo adkeeyay in Maraykanku si joogto ah u baadi-goobayo hoggaamiyeyaasha sare ee ISIS.
Guulo Puntland ka Dhacay
AFRICOM ayaa sheegtay in Ciidamada Difaaca Puntland ay dib ula wareegeen inta badan dhulkii ay ISIS-Soomaaliya hore u haysteen. Brennan wuxuu xusay in la qabtay tiro badan oo dagaalyahanno ah, lana burburiyay qalab iyo saldhigyo ay kooxdu isticmaali jirtay.
“Ujeeddadeennu waa inaan hubinno in khatartaasi aysan mar kale u gudbin dalkeenna,” ayuu yiri, isagoo rajo ka muujiyay in ISIS-Soomaaliya ay si tartiib ah u baaba’eyso haddii hawlgalladu sii socdaan.
Al-Shabaab iyo Isbeddelka Khatarta Koonfurta
Inkasta oo ISIS la wiiqay waqooyiga, Brennan wuxuu sheegay in Al-Shabaab weli yahay khatar weyn, gaar ahaan koonfurta dalka. Waxa uu tilmaamay in kooxdaasi ay noqotay mid si fiican u abaabulan, isla markaana haysata dhaqaale iyo awood ballaaran, iyadoo himiladeedu tahay in ay la wareegto caasimadda Muqdisho.
Taageero Sirdoon iyo La-Talin Fog
AFRICOM ayaa sheegtay in kaalinteedu tahay la-talin iyo taageero sirdoon, iyadoo ciidamada Soomaaliya la wadaagta xogta kormeerka iyo diyaaradaha indha-indheynta. Mararka qaarkood, ciidamo ayaa lagu daabulaa helikobtarro Mareykan ah si ay u fuliyaan hawlgallo bartilmaameed ah.
Iskaashi Gobolka iyo Fursado Dhaqaale
Diblomaasi sare oo Mareykan ah, Ambassador Robert Scott, ayaa sheegay in dalalka deriska ah sida Kenya, Itoobiya iyo Uganda, iyo sidoo kale maamulada Somaliland, Puntland iyo Jubaland, ay kaalin ka qaateen wada shaqeynta ka dhanka ah ISIS iyo Al-Shabaab.
Brennan ayaa sidoo kale tilmaamay in xasilloonida amni ay furi karto fursado dhaqaale oo waaweyn, gaar ahaan dhinaca kheyraadka dabiiciga ah, macdanta iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya.
“Marka amnigu sugo, maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay wuxuu noqon karaa hubka ugu weyn ee lagu xoojin karo nabadda iyo horumarka,” ayuu yiri.
Warbixintan ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay weli ku jirto bartamaha loollanka caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada, iyadoo saameynta hawlgalladaasi ay gaari karto amniga iyo mustaqbalka gobolka oo dhan.
Ugu dambeyn — Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka, Brennan, ayaa sheegay in howlgallada militari ee Mareykanka ka wado Soomaaliya ay furi karaan fursado dhaqaale oo ballaaran, gaar ahaan dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga kheyraadka dabiiciga ah. Wuxuu tilmaamay in amni la’aanta awgeed ay Soomaalidu muddo dheer ka faa’iidaysan waayeen khayraadka dalka, balse hadda ay soo baxayaan tilmaamo muujinaya jiritaanka macdan iyo kheyraad istiraatiiji ah oo qiimo weyn leh.
Brennan ayaa xusay in xeebaha ku teedsan Muqdisho laga helayo kheyraad tamareed sida gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG), isagoo ku dooday in doorka ugu weyn ee Mareykanku ku yeelan karo Afrika uu yahay dhiirrigelinta maalgelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay. Sida uu sheegay, haddii maalgashi noocaas ah la keeno Soomaaliya, sida dalal kale oo Afrikaan ah, waxay noqon karto tiir muhiim u ah xasilloonida iyo sugidda amniga mustaqbalka.
Hadalkaasi wuxuu kusoo beegmayaa xilli Dowladda Federaalka, oo uu hoggaamiyo madaxweyne muddo xileedkiisu gabaabsi yahay, ay la gelayso heshiisyo la xiriira ka faa’iidaysiga kheyraadka Soomaaliya dalal aan ka qaadan kaalinta muuqata dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.
GAROWE ONLINE