Soomaaliya: Puntland oo soo saartay amar culus xili ay dagaal ku jirto

Image

GAROWE, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa soo saartay dhowr amarro amni oo cusub, kuwaasoo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa ajaaniibta.

Laga bilaabo 25-ka January 2025, dadka aan haysan deganaansho sharci ah ma kiraysan karaan guryo, ma heli karaan lambarka telefoonka, sidoo kalena ma shaqaysan karaan. 

Sidoo kale, shirkadaha Isgaarsiinta ayaa lagu armay inaysan teleefon number siin karin dad aan damiin wadan ama la aqoon, waxaana sidoo kale la mamnuucay dadka ku dawarsada/tuugsada lambarada.

Ganacsiyada yaryar ee aan shati lahayn ee ka howlgala suuqyada dadweynaha waa la mamnuucay. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa amarada soo saartay xili sare loo qaadey feejignaanta amniga magaalooyinka Puntland, maadaama dagaal lagula jiro Daacish.

Amarradan ayaa qeyb ka ah dadaalka Puntland ee lagu xoojinayo xakameynta dhaqdhaqaaqyada sharci-darrada ah ee ajaaniibta. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku boorineysa dadka shacabka ah iyo shirkadaha inay ixtiraamaan xeerarka cusub ee amniga.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM

Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 10:25AM