Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Image

BARAAWE, Soomaaliya - Qarax miino oo maanta ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday, iyadoo shan kale ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa miino lagu eegtay gaari NOAH ah oo kusii socday garoonka si uu u soo qaado qaad, waxaana gaariga qabsaday qaraxa miinada, taasoo keentay in waxyeello gaarto dadkii gaariga la socday.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana la xaqiijiyay in wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Carabeey uu ku geeriyooday. Sidoo kale, dad kale ayaa ku dhaawacmay, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo Isbitaalka magaalada Baraawe iyo xarumo kale oo caafimaad.

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan qaraxa, laakiin ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee magaalada Baraawe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM