Soomaaliya: Roobow oo guluf colaadeed oo cusub ka wadda Bakool

Image

XUDUR, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow, Afhayeenkii hore ee Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in guluf colaadeed oo cusub kawado gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.

Roobow oo maalmihii lasoo dhaafay safaro ku kala bixiyay magaalooyin ay kamid tahay Kismaayo, ayaa dib ugu laabtay Xudur isagoo wehlinayaan mas'uuliyiin uu kamid yahay Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed.

Wararka ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow, Gudoomiyaha gobolka Bakool, Xildhibaanno iyo Wasiirro katirsan maamulka Koonfur Galbeed ay ku wahan yihiin deegaanka Abal, oo Jimcihii lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaal uu ku dhintay wiil uu dhalay Roobow.

Cabdullahi Mukhtaar Roobow ayaa lagu dilay duulaan isaga iyo malleeshiyaad daacad u ah aabihii ay ku qaadeen Shabaabka ku sugan deegaan ku yaalla duleedka magaalada Xudur. Halkan ka akhri.

Dagaalka oo dhacay Jimcihii lasoo dhaafay ayaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo labada dhinac kala gaaray, iyadoo wixii ka dambeeyay xilligaasi Al Shabaab ay malleeshiyaad badan soo buux dhaafisay duleedka Xudur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM