Soomaaliya: Sidee Ku Bilowday Dagaalka Doolow? Yey Ahaayeen Dhinacyadii dagaalamey?

Image

Doolow, Soomaaliya – 29 Luulyo 2025 (Garowe Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaalkii ka dhacay magaalada xuduudka ah ee Doolow subaxnimadii maalintii shalay, halkaas oo iska horimaad uu dhexmaray ciidamo kala taageersan dowladda Federaalka iyo maamulka Jubaland, iyadoo ay qayb ka hayeen ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan gobolka Gedo.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo maxalli ah, dagaalku wuxuu bilaabmay kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda Nabadsugidda Qaranka (NISA), Gaashaanle Sare Saleebaan Gayra Garane, uu damcay in isaga iyo ciidamo la socda ay u safraan degmada Balad-Xaawo. Sarkaalka ayaa lagu eedeeyey inuu ku socday si uu uga qeyb qaato dagaalka ka socda halkaas oo ay isku hayaan gacanta magaalada ciidamada Jubaland iyo kuwa daacadda u ah Villa Somalia.

Markii xogtaas la helay, ciidamada daacadda u ah guddoomiyaha degmada Doolow, oo ay garab siinayeen ciidamo Itoobiyaan ah, ayaa si degdeg ah u hareereeyey xerada ay ku sugnaayeen ciidamada NISA. Isku dhaca ayaa durba sababay israsaaseyn toos ah oo muddo socotay, waxaana goobta ka dhacay qaraxyo xoogan kadib markii uu dab qabsaday keyd hub ah oo ku yaallay xerada.

Ugu yaraan laba qof oo uu ka mid yahay askari ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku dhintay weerarka, halka tiro kale lagu xiray. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Taliye Saleebaan Gayra Garane la xiray iyada oo aan si rasmi ah loo caddeyn meesha lagu hayo.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland uu marayo meel xasaasi ah, iyadoo dagaalka Balad-Xaawo uu si toos ah u muujinayo kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo amni ee ka jirta gobolka Gedo.

Arrintan ayaa sidoo kale dhacday xilli Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha NISA ay ku sugnaayeen magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay uga qeyb galayaan shir Qaramada Midoobay u qabaneyso arrimaha cuntada iyo amniga nafaqo ee caalamka. Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya midkoodna kama aysan hadlin dhacdadan.

Isku dhacyada Doolow iyo Balad-Xaawo ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan walaacyada laga qabo amniga gobolka iyo su’aalaha la iska weydiinayo sida dowladda Federaalka ugu diyaar garowday in ay maareyso khilaafaadka gudaha, gaar ahaan kuwa lala xiriirinayo muddo kororsi iyo la-dagaallanka maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM