Soomaaliya: Sidee Looga Saari Karaa Al-Shabaab Magaalada Istiraatiijiga ah ee Moqokori?

Image

MOQOKORI, Soomaaliya – Kooxda Al-Shabaab ayaa si buuxda ula wareegtay magaalada istiraatiijiga ah ee Moqokori ee gobolka Hiiraan labo maalin hahor, taasoo la tilmaamay inay tahay guul muhiim ah oo kooxda ka gaartay dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.

Al-Shabaab ayaa qabsaday magaalada dhowr bilood kadib markii laga saaray, taasoo hoos u dhig ku ah dadaalladii ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka iyo beesha Hawadle, oo hormuud u ah dhaqdhaqaaqa Macawiisleyda – dagaalyahanno si iskood ah isu abaabulay si ay uga hortagaan Al-Shabaab.

Sida uu sheegay Jen. Maxamed Tahlil Biixi, oo horey u soo noqday taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya, Moqokori waxay tahay xudunta sahayda iyo isku xirka waddooyinka muhiimka ah ee ku wajahan Maxaas, Yasooman, Aadan Yabaal, Xaawo Gadiid, Budbud, iyo dhanka koonfureed ilaa Jalalaqsi.

“Ujeedka Al-Shabaab ma ahan dhul keliya, waa inay wiiqaan niyadda Macawiisleyda,” ayuu yiri Biixi. “Dagaalyahanadan waxay caddeeyeen in hal beel ay iska caabin karto koox argagixiso ah oo taageero ka helaysa dibedda. Waa darwiishkii qarnigan, waxayna mudan yihiin billado qaran.”
Inkasta oo Macawiisleydu ay guulo ka gaareen jabhadda Al-Shabaab tan iyo doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee 2022, haddana ma helaan taageero toos ah ama aqoonsi rasmi ah oo ka yimaada dowladda federaalka.

Kooxdan deegaanka waxay dib u fureen suuqyada gudaha, waxayna ilaaliyaan gargaarka bini’aadantinimo. Si kastaba, falanqeeyeyaasha amniga waxay ku tilmaameen in ku tiirsanaanta kooxahan ay muujinayso awood xumida dowladda federaalka ee meelaha fogfog.

Si dib loogu qabsado Moqokori, waxaa la rumeysan yahay in loo baahan yahay in Macawiisleyda dib la isu abaabulo, lana siiyo agab ciidan iyo taageero siyaasadeed. Sida uu Jen. Biixi sheegay, maamul goboleedyada waa in ay si dhaqso leh ugu gacan siiyaan Macawiisleyda si looga hortago in Al-Shabaab ay xoojiyaan gacanta ay ku hayaan deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durbaba bilaabay inay dhisaan bar kontorool, waxayna bilaabeen inay canshuur ka qaadaan dadka shacabka ah ee ku nool Moqokori iyo tuulooyinka u dhow.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in aan la filayn in Al-Shabaab laga saaro Moqokori haddii aysan beelaha deegaanka helin tababar, hub, iyo taageero dowladeed. Ilaa hadda, dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin qorshe cad oo ku aaddan dib-u-qabsashada Moqokori.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM