Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Doolow

Image

DOOLOW, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare kala duwan dhaliyay oo maanta ka dhacay degmada Dooloow ee gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ee ku sugan magaaladaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii wafdi ka socday Jubbaland ay maanta ka soo dageen garoonka diyaaradaha Dooloow oo xayiraad dhinaca duulimaadka ah ay saarneed maalmihii la soo dhaafay, waxaana ciidamada dowladda Soomaaliya ay diideen in wafdigaasi ay gudaha u galaan magaalada, taas oo keentay markii danbe inuu dagaal toos ah qarxo.

Ciidmada dowladda Soomaaliya ee joogay Dooloow oo isugu jirey Booliis iyo Nabad sugid ayaa dagaalka ka dib waxaa u soo gurmaday ciidamo Mileteri ah oo ku sugnaa magaalada Beled-Xaawo, xaaladda ayaana hadda ah mid cakiran.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka, balse si rasmi ah looma xaqiijin karo tirada saxda ah.

Saraakiil ka tirsan mileteriga Soomaaliya oo ku sugan magaalada Beled-Xaawo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku wajahanyihiin magaalada Dooloow ee gobolkaasi Gedo.

Xiisadda u dhaxaysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa marba marka ka danbeysa waxa ay tahay mid ka sii daraysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM