Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Image

MUQDISHO — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu Arbacada magaalada Muqdisho kulan la yeesho musharaxiinta mucaaradka ee Golaha Badbaadada Qaranka, oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Madaxweynaha uu si tartiib tartiib ah u jilcinayo mowqifkiisii hore ee ka dhanka ahaa wada-hadallada mucaaradka, islamarkaana uu si rasmi ah u dalbaday in uu la kulmo isbaheysiga mucaaradka ee fadhigiisu yahay Muqdisho.

Afhayeen u hadlay mucaaradka ayaa xaqiijiyay jiritaanka xiriirkaasi, wuxuuna yiri: “Haa, xiriir waa la sameeyay. Wada-hadal dhawaan ah ayaa dhici doona. Waxaan diyaar u nahay inaan horay u soconno arrimaha doorashooyinka, inkasta oo doorasho hal qof-hal cod ah ay hadda u muuqato mid aan macquul ahayn.”

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026, isbeddelka dastuurka ee muranka dhaliyay, iyo xoojinta wadashaqeynta siyaasadeed.

Dhinaca kale, mas’uul ka tirsan dowladda ayaa sheegay in kulanka looga gol leeyahay in la wajaho arrimaha muhiimka ah ee dalka sida hannaanka doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka, iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Iyadoo arrimahan socdaan, warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in Villa Somalia aysan ku faraxsanayn booqashada uu Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, ku tagay magaalada Garowe, taas oo loo arko inay dhirbaaxo ku tahay dadaallada Xasan Sheekh ku doonayo inuu go'doomiyo Jubaland.

Xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa sii kordhaysa, xilli beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ay si dhow isha ugu hayaan horumarka laga gaarayo heshiisyada siyaasadeed iyo diyaarinta doorashooyinka 2026.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM