Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego
MUQDISHO, July 5 – Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland ayaa ku baaqay in Hassan Sheikh Mohamud uu xilka ka dego, iyagoo ku eedeeyay inuu ku tuntay dastuurka isla markaana uu wiiqay nidaamka federaalka ee dalka.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay xildhibaannadu ku sheegeen in muddo-xileedka dastuuriga ah ee madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dowladda uu dhammaaday, ayna ku baaqeen in la raaco qodobbada dastuurka iyo habraacyada kala-guurka ee sharciga ah.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha inuu qaaday siyaasado, sida ay sheegeen, dhaawacay midnimada dalka iyo nidaamka federaalka, iyagoo ku andacooday in dowladda federaalku faragelin ku hayso Puntland isla markaana ay sii xoojisay xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni.
Waxay sidoo kale cambaareeyeen waxa ay ku tilmaameen adeegsiga maleeshiyaad beeleed lagu hoos wado magaca Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo ay sheegeen inay dhaawacayso kalsoonida shacabka ee hay’adaha amniga.
War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka, nabadda iyo midnimada dalka, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta qalalaase siyaasadeed.
Sidoo kale, xildhibaannadu waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay si dhow ula socoto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda kala-guurka kadib dhammaadka muddo-xileedka, ayna taageerto xal kasta oo waafaqsan dastuurka iyo nidaamka federaalka.
GAROWE ONLINE