Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka
MUQDISHO, Soomaaliya — Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa galay Villa Soomaaliya si ay uga wada hadlaan kulan gaar ah oo lala yeeshay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, kulan loo arko inuu noqon karo mid xilli cusub u furaya xaaladda siyaasadeed ee dalka oo muddo dheer taagneyd, sida ay Garowe Online ogaatay.
Kooxda mucaaradka — oo si cad uga soo horjeeda waxa ay ugu yeedhaan wax-ka-beddelka dastuurka ee sharci-darrada ah, hindisaha codka hal qof hal cod oo aan laga tashan, iyo nidaamkii doorasho ee dadban ee hore loo adeegsaday — ayaa dalbanaya hanaan doorasho oo madax-bannaan, oo aan faragelin ka imaanin dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka labadaba.
Kulankan culus ayaa hadda ka socda Muqdisho waxaana la filayaa inuu si toos ah u qaabeeyo mustaqbalka qaab-dhismeedka doorashooyinka iyo wadaxaajoodka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa islamarkaana gacanta u fidiyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka si loo jebiyo ciriiriga siyaasadeed. Tallaabadan ayaa timid kadib bilo xiisad ah, oo mucaaradku iyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland ay ka qeyb qaadan waayeen wadahadallada federaalka hogaaminayo bishii Juun, iyaga oo sheegay inaysan jirin dhab ahaan dadaal ka yimaada madaxtooyada.
Afhayeenka mucaaradka ayaa xaqiijiyay wadahadallada, isaga oo yiri: “Haa, xiriir ayaa dhacay. Waxaan isugu nimid si aan hore ugu socono arrimaha doorashada, inkastoo qaabka codka hal qof hal cod uu waqtigan yahay mid aan macquul ahayn.”
Sidoo kale, Villa Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka xanaaqsan tahay booqashadii dhawaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku tagay Garoowe, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Booqashadan ayaa loo arkay inay carqalad ku tahay dadaallada Villa Soomaaliya ee lagu doonayo in si siyaasadeed looga go'doomiyo Jubbaland.
Madoobe iyo Deni, oo labaduba si weyn u dhaleeceeya habka federaalka ee madaxda Muqdisho, ayaa ka wada hadlay arrimaha federaalka, amniga, iyo iskaashiga dhaqaale. Labadan hoggaamiye ayaa muddo dheer ka soo horjeeday sida ay u arkaan in Muqdisho ay si kelitalisnimo ah u maamusho arrimaha dowlad-goboleedyada.
Bilihii hore ee sanadkan, xiisaddu way sii dartay markii ciidamada Jubbaland ay isku dhac galeen ciidamada federaalka ee ku sugan El-Wak iyo Ras Kamboni, taasoo keentay khasaarooyin badan oo ciidamada federaalka ah oo la sheegay inay taageero ka heleen ciidamada difaaca Kenya si ay iskaga caabiyaan dagaaladaas.
Iyadoo kulanka maanta uu sii socdo, indhaha ayaa ku haya Villa Soomaaliya, iyadoo dad badan rajeynayaan inuu fursad u noqon karo jid doorasho oo ka midaysan oo sharci ahaan sax ah isla markaana horseedi kara is-afgarad federaal oo dhammaystiran.
GAROWE ONLINE