Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Muqdisho Kaga Dhawaaqaya Xisbi Cusub – Yaa Ka Mid Noqonaya Hoggaankiisa?

Image

Garowe Online - Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in maalinta Arbacada ee soo socota lagu wado in magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqo xisbi siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka.

Xisbigaan cusub ayaa la sheegay in uu ka dhashay kala diristii xisbiga UPD, iyadoo inta badan xubnihii xisbigaas ay haatan u wareegeen madashaan cusub. Sida xogtu tilmaamayso, waxaa lagu dhisey xisbigaan iyadoo lagu saleynayo wax-ka-beddelka muranka badan dhaliyey ee lagu sameeyey Dastuurka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre loo magacaabi doono Guddoomiyaha xisbiga, halka Xildhibaan Candiraxman Maxamad Xasan (Odawaa) lagu wado in loo magacaabo Xoghayaha Guud.

Sidoo kale, ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ay qeyb ka noqon doonaan ururkaan cusub, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin inuu ka mid noqon doona Hoggaamiyaha SSC, oo haatan ku sugan Muqdisho.

Waxaa la rumeysan yahay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo muddo xileedkiisu ka dhiman tahay hal sano, uu noqon doono musharraxa rasmiga ah ee xisbiga marka la gaaro doorashada xigta.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, iyo siyaasi kale oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, ay noqdaan ku-xigeennada hoggaanka xisbiga.

“Shirkii la filayey ee lagu waday in madaxda Soomaaliyeed ay uga wada hadlaan arrimaha cakiran ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo dastuurka, ayaa hadda loo beddelay madal siyaasadeed oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka dhisayo xisbi cusub,” ayuu yiri siyaasi ku sugan Muqdisho oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Garowe Online ayaa si dhow ula socon doona wararka khuseeya shirkaan. 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM