Soomaaliya: Xog ku saabsan sababta uu u dhintay Jeneraal Sheegow

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaalka ciidanka dowlada Soomaaliya, Sheegow Axmed Cali, ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho xalay, ka dib markii uu ku dhacay xanuunka Hepatitis B, sida ay sheegeen mas'uuliyiin caafimaad oo Soomaaliyeed.

Sheegow ayaa jiray xabsi tan iyo dhammaadkii 2023, isagoo xukuman toban sano oo xabsi ah kadib markii maxkamad ciidan ay ku xukuntay eedeymo la xiriira dagaallo dhex maray ciidamada uu hogaaminayay iyo ciidammada dowladda Federaalka ee Muqdisho bishii Agoosto ee sanadkii hore.

Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa xaqiijiyay in Sheegow uu ka helay daryeel caafimaad ka hor intaanu geeriyoon. "Waxuu lahaa taariikh xanuunka kelyo-dhibaato iyo Hepatitis B oo cancer isku bedelay," ayuu yiri wasiir Aadan. Wuxuu sidoo kale ka codsaday bulshada, gaar ahaan bulshada uu ka soo jeedo Sheegow, inay sabir sameeyaan oo ay iska ilaaliyaan faafinta warar aan la xaqiijin oo ku saabsan geeridiisa.

Qoyska Sheegow iyo mas'uuliyiinta dowlad-federaalka ee ka soo jeeda beesha Jareerweyne ayaa beeniyay sheegashooyin aan la xaqiijin oo sheegaya in uu Sheegow lagu sumoobay xabsiga, iyagoo sheegay in wararkaas ay yihiin "mid aan sal iyo raad toona lahayn."

Qoyska ayaa ku baaqay in la xushmeeyo marxuumka, waxaana ay sidoo kale ka codsadeen dadka inay iska ilaaliyaan fidinta warar khaldan.

"Waxaan ku qanacsanahay warbixinta caafimaad ee ka soo baxday Isbitaalka Digfeer, waxaana ka codsaneynaa in dadka aan la abuuro fowdo aan loo baahnayn," ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen.

Wasiir Dahabo Suusow, oo ah qaraabo Sheegow, ayaa sidoo kale ku baaqday in la xasiliyo oo la ixtiraamo natiijada baaritaanka isbitaalka, iyadoo lagu booriyay dadka inay ka fogaadaan faafinta macluumaadka khaldan.

Intii uu shaqada milateriga ka jiray, Sheegow ayaa horey uga soo shaqeeyay deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose. Xilli uu BBC-da la hadlaayay sanadkii 2017, ayaa Sheegow sheegay in cutubkiisa uu ka hortagay weerar ay fuliyeen Al-Shabaab, oo ay ku dhinteen 18 dagaalyahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM