Soomaaliya: Xukun lagu riday askar dil ka geysatay Muqdisho

Image
Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda sare ee Ciidmada Qalabka Sida, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howlgalayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, waxaana lagu eedeeyey dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo Cida is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida.

Todobo iyo labaatankii bisha lixaad ee sanadkaan Is-rasaaseyn dhex martay Labada eedeysane, ayaa waxaa ku geeriyooday Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray Mahad iyo Cadnaan.

Xafiiska Xeer ilaalinta iyo ehelada Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse ayaa Racfaan ka qaatay xukunkii Maxkamadda darajada Koowaad ay horey ugu riday Labada Eedeysane, Sideed iyo Labaatankii August, waxaana baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida uu mar kale codsaday qaadista kiisaskaan.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” ayey Maxkamada sare ku xukuntay Dil toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse.

2- Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed ayaa isna lagu xukumay Lix sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM