Soomaaliya: Xukun lagu riday askar dil ka geysatay Muqdisho

Image
Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda sare ee Ciidmada Qalabka Sida, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howlgalayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, waxaana lagu eedeeyey dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo Cida is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida.

Todobo iyo labaatankii bisha lixaad ee sanadkaan Is-rasaaseyn dhex martay Labada eedeysane, ayaa waxaa ku geeriyooday Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray Mahad iyo Cadnaan.

Xafiiska Xeer ilaalinta iyo ehelada Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse ayaa Racfaan ka qaatay xukunkii Maxkamadda darajada Koowaad ay horey ugu riday Labada Eedeysane, Sideed iyo Labaatankii August, waxaana baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida uu mar kale codsaday qaadista kiisaskaan.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” ayey Maxkamada sare ku xukuntay Dil toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse.

2- Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed ayaa isna lagu xukumay Lix sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM