Swan: Madaxda Soomaalida waa in ay si dhaqso ah u kulmaan

Image
Dhawaqan ayaa kusoo beegmaya xilli isha lagu hayo qabsoomida shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo mugdi uu ku jiro.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cimilada siyaasadda Soomaaliya ayaa hada ah mid ku habboon in wax laga qabto arrimaha hor-tebinta qaranka, sidda uu sheegay James Swan, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

"Si fursaddan looga faa’ideysto, mas’uuliyiinta federaalka iyo dowlad goboleedyada waa in ay si dhow isula shaqeeyaan si horumar looga gaaro himilooyinka dowladda cusub, oo ay ku jiraan hagaajinta garsoorka iyo dowladnimada, in si wax-ku-oolnimo leh looga hortago Al Shabaab, iyo in si degdeg ah wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadannimo ee sii xumaanaya," ayuu raaciyey.

Inkasta oo madaxwayne Xasan Sheekh oo la doortey 15-kii May, 2022 uu xarumaha maamulada ku tagay booqashooyin loo arkay mid uu ku qaboojinayo xaaladda, haddana xiriirka ayaan wali ahayn mid fadhiya.

Swan oo Arbacadii shalay ahayd warbixin siiyey Golaha Ammaanka ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa ku tartarsiiyey hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay "mar kale si dhaqso ah kulmaan".

"Qaramada Midoobay waxay Dowladda kala shaqaynaysaa taageeridda shirkan muhiimka ah," ayuu raaciyey isaga oo aan bixin fahfaahin ku saabsan kaalinta ay ka cayaari karaan qabsomida is-araggan.

Dhawaaqan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxwayne Xasan Sheekh uu madaxwayneyaasha maamul goboleedyadda gaarsiiyey fariin ku saabsan kasoo qeybgalka kulanka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Garowe Online ayaa fahansan in madaxda dowlad goboleedyadda aysan wali ka jawaabin martiqaadkaas. Kulankan ayaa la qorsheeyay in uu Muqdisho ka qabsoomo bartamahan bishan bilowga ah ee September.

Madaxwayne Xasan ayaa u doonaya qabsoomida kulankan si uu fasiraad ugu helo hal-ku-dhiga uu ololaha ku galay ee "Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah" kahor kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM