Swan oo fariin culus ka gudbiyey khilaafka doorashadda

Image

LONDON, UK – Dowladda Ingiriiska ayaa soo bandhigtay tafaasiil ku saabsan warbixin uu ergayga gaarka ah ee UN-ka u qaabilsan Muqdisho, James Swan, uu u gudbiyey kulan Arbacadii shalay uu goluhu ka yeeshay xaalada Soomaaliya gaar ahaan is-mari-waaga doorashooyinka.

Danjiraha Ingiriiska ee Golaha Ammaanka, Barbara Woodward, oo ku baaqday kulanka oo ay wehliyeen xubno kale oo golaha ka tirsan, ayaa sheegtay in Swan u ku wargeliyey golaha in hannaanka doorashada Soomaaliya ay u baahan tahay "dareen deg deg ah."

Woodward ayaa tibaaxdey in goluhu si weyn u soo dhoweeyay dadaalka Swan ee "isku soo dhaweynta dhinacyadda iyo in loogu dhaqaaqo doorashooyinka sida ugu dhakhsaha badan, laakiin ay jirto tanaasul la’aan".

Waa markii labaad oo bisha Maarso gudaheeda uu golaha ammaanka shir gaar ah ka yeesho xaaladda Soomaaliya si gaar ah khilaafka doorashadda.

12-kii Maarso, goluhu wuxuu ku booriyay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada "inay abaabulaan doorashooyin xor ah, caddaalad ah, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay" iyadoo la raacayo heshiiskii Sebtember "dib u dhac la'aan."

Soomaaliya waxay bilawday inay burburto 1991, markii ay qabqablayaashu xukunka ka tuureen dowladdii Maxamed Siyaad Barre ka dibna midba midka kale uu ku jeestay.

Sannado colaado iyo weerarro Al-Shabaab, oo ay weheliso macluul, ayaa la degtay waddankan ku yaal Geeska Afrika oo ay ku nool yihiin qiyaastii 12 milyan qof oo 75% kamid dhalinyarro yihiin.

Al-Shabab ayaa laga saaray caasimada Muqdisho sanadkii 2011 waxaana laga xoreeyay magaalooyin kale oo muhiim ah laakiin wali waxay maamulaan qaybo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka iyagoo inta badan magaala madaxda la beegsadaan qaraxyo ismiidaamin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

RW Xamsa: Shidaalka dalka Soomaaliya halis ayuu ku jiraa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah aysan hadda ka dib ahayn hadal kaliya.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:08PM

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM