Swan oo si adag u cambaareeyay weerarkii xafiiska duqa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii xafiisyadda duqa Muqdisho, kaasi oo dhaliyey khasaaro uu kamid yahay duqa qudhiisa.

"Weerarkan wuxushnimada ah ma ahan rabshad ka dhan ah qayimka nolosha dadka, balse waxaa lagu beegsanayaa Soomaalida horumarineysa noloshooda iyo saaxiibadooda ku sugan Muqdisho-gobolka Banaadir," ayuu yiri.

Sidda ay shaacisay xukuumadda federaalka ah, lix ruux oo ay ku jiraan laba gudoomiyeyaal degmo iyo saddex agaasime ayaa ku dhintay qaraxa, xili ay ku dhaawacmeen lix kale oo kamid yahay gudoomiyaha gobolka.

"Qaramada Midoobay waxay ku garab taagan tahay dadka iyo dowladda Soomaaliya diidmadooda falalka argagixisada, waxaana u tacsiyeynayaa ehelada dhibaneyaasha," ayuu ku daray wakiilka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ahaa is-miidaamin ka dhex-dhacay hool ay kulan ku lahaayeen mas'uuliyiinta gobolka, kaasi oo looga hadlayay nabad-gelyadda caasimadda.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow], duqa Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhaawaciisa warar kala duwan ay kasoo baxayaan oo ku kala sheegay "mid khatar ah" iyo "mid sahlan".

Ergayga Qaramada Midoobay iyo Duqa magaaladda oo ay wehliyaan mas'uuliyiin qaarkood ku naf-waayey dhacdadan ayaa ku kulmay xarunta gobolka Banaadir oo ku taala degmada Xamarwayne.

"Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan eheladda dadkii wax ku gaarey falkan, waxaana soo kabasho u rajeynayaa dhamaan dadka dhaawaca ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Mr. Swan oo sidoo kale ah howlgalka UN-ka ee Soomaaliya.

Weerarkan oo ay Al-Shabaab sheegatay ayaa qayb kamid ah sil-silado qaraxyo ah oo bilooyinkii lasoo dhaafey guud ahaan dalka gaar ahaan magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaasi oo galaaftay dad u badan rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM