Tahriibeyaal laga soo celiyay Muqdisho oo gaarey Muqdisho

Image
Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa soo dhaweeyay muwaadiniintan.

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 160 tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo laga soo saaray xabsiyada dalka Libya oo kooxo magefayaal ah ay ku heysteen ayey dowladda Soomaaliya maanta dib ugu soo celisay dalka, kuwaas oo intooda badan garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

74 ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee laga soo saaray xabsiyada dalka Libya ayaa maanta laga dejiyey magaalada Hargeysa ee waqooyiga Soomaaliya, halka 87-da kale laga soo dejiyey caasimadda Muqdisho, tirada guud ee dadkaan ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay xabsiyadii ay ku dhibanaayeen ee dalka Libya oo dhallinyaro u badan ayaa ah 161 qof, Midowga Yurub iyo Hay'adda IOM ayaa dowladda ka taageeray soo celinta dadkaan.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Libya Danjire Cabdi Aadan Diiriye, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan muhaajiriinta iyo xuquuqda carruurta Maryan Yaasiin iyo Guddoomiyaha hay'adda Barakacayaasha iyo Qaxootiga qaranka, xubno ka socda UNHCR, Midowga Yurub iyo IOM ayaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey 87 qof oo kamid ah dadkii ay dowladda Soomaaliya kasoo badbaadisay magefayaasha Libya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM