Tahriibeyaal Soomaali oo laga soo daayay magafeyaal u dhashay Sudan

Image
Sii deynta dhallinyaradaan waxaa suurto galiyay Hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawlgala Portsudan. 

MUQDISHO, Soomaaliya - Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Portsudan, Axmed Suudaani ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyay dhallinyaro Soomaaliyeed oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif. 

Dhallinyaradan oo tiradoodu tahay 22 (17 wiilal ah iyo 5 gabdhood) ayaa markii hore la qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah.  

Sii deynta dhallinyaradaan waxaa suurto galiyay Hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawlgala Portsudan. 

Waxaa sidoo kale weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhallinyaro ah kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in si dhow loo soo daayo si ay ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM