Tahriibeyaal Soomaali si dirqi ah ku badbaadey oo soo gaarey Muqdisho

Image
Shaqsiyaadkan ayaa kamid ahaa tobanaan ruux oo la socdey doon ku degtay xeebaha Madagascar.

MUQDISHO, Soomaaliya - 47 Tahriibayaal Soomaali ah oo laga soo badbaadiyay labo doonyood oo ku qalibantay xeebaha Madagascar ayaa Sabtida maanta ah soo gaaray magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa fududeysay daad-gureynta dadkaasi kadib markii ay la socdeen ay degtay kuna nafwaayeen 24 qof oo rakaab ah, halka 46 kalena ay ka badbaadeen bishii hore.

Dowladda federaalku waxay u mahadcelisay dhammaan shakhsiyaadka, dawladaha, iyo hay'adaha ka qaybqaatay daad-gureynta iyo samatabbixinta.

Badbaadintan ayaa ku soo beegantay laba maalmood ka dib markii ay dawladdu dib u soo celisay 161 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xanibnaa dalka Liibiya, iyadoo loo marayo barnaamijka dib u celinta bini'aadantinimada ee ay Qaramada Midoobay taageerto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, ayaa xaqiijiyay in 74 ka mid ah dadkii dib loogu celiyay Magaalada Hargeysa ee Waqooyi Galbeed Somaliya, halka 87 kalana ay soo gaareen Magaalada Muqdisho.

Kor u kaca tahriibka ka imaanaya Soomaaliya ayaa loo aaneynayaa amni darada joogtada ah iyo fursadaha shaqo ee xadidan, gaar ahaan dhalinyarada ka yar 30 sano, kuwaas oo ka kooban 75% dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM