Tahriibeyaal Soomaali si dirqi ah ku badbaadey oo soo gaarey Muqdisho

Image
Shaqsiyaadkan ayaa kamid ahaa tobanaan ruux oo la socdey doon ku degtay xeebaha Madagascar.

MUQDISHO, Soomaaliya - 47 Tahriibayaal Soomaali ah oo laga soo badbaadiyay labo doonyood oo ku qalibantay xeebaha Madagascar ayaa Sabtida maanta ah soo gaaray magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa fududeysay daad-gureynta dadkaasi kadib markii ay la socdeen ay degtay kuna nafwaayeen 24 qof oo rakaab ah, halka 46 kalena ay ka badbaadeen bishii hore.

Dowladda federaalku waxay u mahadcelisay dhammaan shakhsiyaadka, dawladaha, iyo hay'adaha ka qaybqaatay daad-gureynta iyo samatabbixinta.

Badbaadintan ayaa ku soo beegantay laba maalmood ka dib markii ay dawladdu dib u soo celisay 161 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xanibnaa dalka Liibiya, iyadoo loo marayo barnaamijka dib u celinta bini'aadantinimada ee ay Qaramada Midoobay taageerto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, ayaa xaqiijiyay in 74 ka mid ah dadkii dib loogu celiyay Magaalada Hargeysa ee Waqooyi Galbeed Somaliya, halka 87 kalana ay soo gaareen Magaalada Muqdisho.

Kor u kaca tahriibka ka imaanaya Soomaaliya ayaa loo aaneynayaa amni darada joogtada ah iyo fursadaha shaqo ee xadidan, gaar ahaan dhalinyarada ka yar 30 sano, kuwaas oo ka kooban 75% dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM