Talaabo uu qaadey safiirka cusub ee UK oo la cambaareeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Danjiraha cusub ee boqortooyadda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha waddanka Soomaaliya, Kate Foster, ayaa lagu cambaareeyay in ay waraaqadaheeda safiirnimo ku wareejisay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda Soomaaliya ayaa talaabadda Foster wuxuu ku qeexay "wax aad looga xumaado".

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo kamid ah mucaaradka ugu weyn ee dowlada waqtiga ka dhamaadey ee Farmaajo ayaa sidoo kale wuxuu talaabadaas ku sifeeyay "mid anshax xumo ah".

"Waa wax laga xumaado in safiirka cusub ee UK ee Soomaaliya ee Soomaaliya ay shaqadeeda ku bilawday in warqadaheeda aqoonsiga ay ku wareejiso Farmaajo oo waqtigiisu dhamaaday 8 Feb. Tani waa anshax xumo iyo talaabo lid ku ah dhaqanka soo jireenka ah ee ixtiraamka sharciga ee UK ay hormuudka u ahayd," ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Safaaradda UK ee Muqdisho iyo Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin falcelinta Mr Warsame. Isku-dayo uu Garowe Online doonayey in uu ku gaaro ayaa guuleysan waayey.

David Concar, oo safiirka Britain loosoo magacaabay kadib dhamaadka muddo xileedkii madaxwaynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu diidey in uu waraaqaha aqoonsiga ku wareejiyo, isaga oo cuskaday in xilliga ka dhacay lana sugi doono madaxweyne cusub.

Mowqifka danjiraha cusub Kate Foster ayaa la ogeyn haddii ay la qabto Waaxda Arrimaha Dibadda Boqortooyadda UK ama in ay shaqsi ahaan iyadda goosatay. Balse, xaqiiqadu waxay tahay in halkaas ay ka muuqato is-burin diblumaasiyadeed oo waxa ka dambeeya aan la ogeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM