Talaabooyin sharci lana xiriira kiiska askarta oo la qaadey

Image

MUQDIHSO, Soomaaliya - Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaa maanta loo gudbiyey laba qoraalo kala duwan kuwaasoo ku saabsan qadiyadda askarta uu maamulka Farmaajo sida qarsoodiga ah tababarka ugu diray Eritrea.

Warqadda koowaad waxaa diray guddi ka kooban 10 xubnood oo la sheegay in ay iska soo dhex-xuleen waalidiinta askartaas oo da'doodu u dhaxeysay 18-jir illaa 25-sano jir ah - taasoo ka dhigan in ay badankoodu yihiin da'yar.

Qoraalka labaad waxaa gudbiyey ku xigeenka labaad ee afhayeenka Aqalka Sare, Senator Abshir Axmed Bukhaari, kaasoo tibaaxay in waalidiinta ay u soo gudbiyeen warqadda isla markaana uu isagu ku hagaajiyey dacwad-oogaha guud ee dalka.

Waalidiinta ayaa codsaday afar qodob oo kala ah; in la caddeeyo masiirka wiilashooda, in warbixin dhameystir kasoo gudbiyo nolol ama gaar, in deg-deg ah xorriyadooda ku helaan iyo in dacwad lagu soo oogo cid kasta oo ka dambeysay falkan.

"Waxaan nahay waalidiin murugeysan ee nala gurmada nagana guddooma xushmada iyo qadarinta aad mudan tihiin," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka la sheegay in waalidiintu direen kaasoo lagu soo xiray saxiixa tobban xubnood.

Dhanka kale, Senator Bukhaari ayaa ku tartarsiiyey xeer-ilaaliyaha guud in uu "si mas'uuliyad ku dheehan tahay" kaga jawaabo cabashadda waalidiinta isla markaana uu awooda uu u leeyahay baaritaanka uu si deg-deg ah ku bilaabo.

Talaabooyinka dhanka sharciga ah ee loo qaadey kiiskan ayaa culeyska ku kordhinaya madaxda waqtiga ka dhamaadey ee Soomaaliya kuwaas oo aan wali hor-imaan bulshadda kana warbixin xaaladda ay ku sugan yihiin askartaas.

Hoos ka akhriso qoraalka Senator Bukhaari

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM