Taliska Farmaajo oo qirtey in Beesha Caalamka ka jaratay lacagta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka maaliyadda xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa xaqiijiyey in Beesha Caalamka ay joojisay lacagtii ay ku kabi jirtay miisaaniyada dowladda.

Bayle oo horey u dafiray arrintan ka gedaal markii uu kashifay Xasan Cali Khayre, mid kamid ah musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya, ayaa shaaca ka dhigay in lacagtaas la jartey bishii August, 2020.

Isagoo baraha bulshadda kaga jawaabay su'aal laga waydiiyey qadiyaddan, wasiir Bayle ayaa tibaaxay in tan iyo August ay mushaharka ku bixinayeen lacago ay ka heleen dowladaha Sacuudiga iyo Turkiga.

Sida laga soo xigtay wasiirka, lacagtaas ay ku deeqeen labada dal ayaa dhamaatay December, 2020, waxaana dowladda Soomaaliya ay haatan mareysaa meeshii ugu dambesay oo uu ku qeexay "sagxada".

"Lacagtii kabka ee dunida August sanadkii hore ayaa nagala joojiyey. Xoogaa Sacuudiga iyo Qadar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixineynay illaa December iyagiina dhamaadeen. Hadda waxaan taaganahay sagxadda hadaad i fahmeyso," ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaalaha ay ka hesho gudaha dalka wuxuu gaarayaa 30%, sida uu sheegay wasiir Bayle, kaasoo hoosta ka xariiqay in inta kale ay dhameystirayeen dalalka caalamka oo hada joojiyey.

Ma uusan sheegin sababta keentay hakinta. Hasa ahaatee, waxaa loo badinayaa in ay tahay khilaafka ka taagan dhanka doorashooyinka 2020-21 kaasoo xalkiisa la sheegay in ay diidan tahay Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM