Taliska AMISOM oo eedeyn culus u jeediyey beesha caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Midowga Afrika ee Nabad Illaalinta Soomaaliya [AMISOM] ayaa wajahaya dhaqaalo xumo baahsan, sidda uu ka dhawaajiyey madaxa howlgalkaasi Francisco Madeira.

War-saxaafadeed oo uu Madeira soo saarey kadib kulan uu shalay Muqdisho kula yeeshay afhayeenka Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayuu eeda arrintaasi dusha ka saarey beesha caalamka.

Wakiilka gaarka ah ee AU-da u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in "jawaabo aanan wanaagsaneen ay ka helayn saaxiibada caalamka kadib dalabyo isku xig-xiga oo ay u gudbiyeen".

Codsiyadooda ayuu xusay in ay ku qotomeyn dhaqaalo ay u doonayeen ay siiyaan dad shacab ah kuwaasi oo ay waxyeelo gaarsiiyeen ciidamada dalka ka howlgalayay in ka badan tobban sano.

"Iyadda oo aysan jirin dhaqaalo ay Beesha Caalamka ku deeqday, waxaa jiray shirar ay qabteen AMISOM iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ku saabsan saameynta arrintani," ayuu daba dhigay.

Sidda ku cad war-saxaafadeedkan, AMISOM ayaa iyadda "oo arrintani u aqoonsatay mid halis ah" waxay ka dalbatay Midowga Afrika in ay xaaladani a siiyaan tixgelin gaar ah sidii xal loogu heli lahaa.

"Midowga Afrika wuxuu noogu deeqay sanadkii 2018-kii waxa uu noogu deeqay 200-kun oo dollar, taasoo aan siinay qoysaska dhibaneyaasha," ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xafiiska Francisco Madeira.

Geesta kale, Madeira ayaa u balanqaadey dowlada in ciidamada AMISOM ay kala shaqeyn doonan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, amniga dalkana ula wareegi lahaayeen ciidamo Soomaaliyeed.

Mursal ayuu xusay in uu kala xaajooday sharciga doorashooyinka qaranka, kaasoo ay ka hor-yimaadeen qaar kamida maamul goboleedyadda dalka oo ku sifeeyay "mid aanan waafaqsaneen dastuurka dalka".

Sikastaba ha ahaatee, dhaqaalo xumada baahsan ee lasoo daristay AMISOM ayaa imaaneysa xili qaar kamid ah dalalka caalamka ee taagera dowlada Soomaaliya ay ku mashquulsan yihiin dhismaha ciidamo Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM