Taliska Farmaajo oo ku hungoobay dalabkii AU-da

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Baaqyada caalamiga ah ee ku saabsan in dib loo bilaabo wadahadalada arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa isa soo taraya waxaana ay dharbaaxo ku tahay maamulka Farmaajo.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo xalay soo saareen baaqii ugu dambeeyay ayaa ku booriyey hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay si shuruud la'aan ah dib isgu soo laabtaan miiska wadaxaajoodyadda.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo war-saxaafadeed cusub soo saarey ayaa "si qoto dheer" walaac uga muujiyey qalalaasaha siyaasadeed iyo is-mari-waaga u dhaxeeya hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya kuwaasoo isku-maan-dhaafsiisan nooca doorashooyinka. Taageero ayay u muujiyeen in dedaalo heer gobol ah oo Midowga Afrika horkacayo lagu soo afmeero khilaafka.

Isla shalay, Midowga Yurub oo taageeray diidmada Midowga Afrika ee muddo kororsiga maamulka Farmaajo ayaa sheegay in uu diyaar u yahay la shaqeynta ergay kasta oo loo xilsaaro ka shaqeynta soo nooleynta wadaxaajoodyada iyo gaarida wada-ogol ku saabsan doorashooyinka kuna saleysan heshiiska 17-kii September. Baahida loo qabo kulan ay dalalka ciidanka ku tabaracay AMISOM ku qiimeeyaan xaalada amni ayuu ururka sidoo kale xoojiyey.

Dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa dhankooda waxay si gooni-gooniya ah u taageereen in Midowga Afrika uu garwadeen ka noqdo wadaxaajoodyadda taasoo ah dalab ka yimid maamulka waqtiga ka dhacay.

Hasa ahaatee, Beesha Caalamka waxay meesha ka saartey hindisaha taliska Farmaajo oo ah in wadahadaladu horseedaan doorasho qof iyo cod ah taasoo la macno ah in meesha laga saaro heshiiska 17-kii September.

Diblumaasiyiinta oo si weyn uga hor-yimid kororsiga iyo lalaalida heshiiska ayaa caddeeyay in xalka kaliya uu yahay fulinta heshiiska iyo in la raadiyo nooc doorasho oo ay heshiis ku yihiin dhamaan daneeeyaasha.

Falcelinta gudaha

Siyaasiyiinta maxaliga ah ayaa soo dhaweeyay baaqyadda caalamiga ah. Madasha Badbaado Qaran iyo Midowga Musharaxiinta waxay ku booriyeen AMISOM in ay si dhexdhexaadnimo ku jirto ay wadahadalka u hgaamiyaan.

"Dhexdhexaadin kasta waa in ay noqoto mid diideysa muddo kororsiga, horseedeysa wadahadalo iyo xal u keeneysa arrimaha waaweyn ee la isku hayo," ayay Madasha Badbaado Qaran ku tiri qoraal ay u dirtay AU-da.

Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ahna madaxweynihii 7aad ee waddanka, ayaa carabka ku adkeeyay in aysan marnaba aqbali doonin in si juujuub ah lagu mariyo muddo kororsiga.

"Dalkaan dowladnimadiisa jilcan meel fog baa laga keeney oo waqti, xoolo iyo nafba loo huray, sidaa awgeed marna lama aqbali doono ficillada aan mas’uuliyadda lahayn ee ay wadaan koox yar oo kursi jacayl uu madax maray," ayuu Facebook ku qoray.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ahn musharax madaxwayne, ayaa farxad wuxuu ka muujiyey "dharbaaxooyinka talantaaliga ah" ee ku dhacaya taliska Farmaajo.

"Farmaajo shalay seddax dharbaaxo oo talantaalli ah ayaa ku dhacday. Seddaxduba waxey dibada soo dhigeen hoggaamiye kooxeednimadiisa. Tan koowaad, waa dhacdaddii garoonka diyaaradaha oo muujisay in nabadsugiddiisu dhaqan maleeshiyaad leeyihiin. Tan labaad waa shirkii uu ku soo uruursaday haraagii hoggaamiye kooxeedka iyo kuwii hormuudka u ahaa xasuuqii Itoobiya. Tan seddexaad waa canbaareyntii uga timid Midowga Afrika, dunida inteedii kalana ku raaceen. Ruuxii maanta ka dib sii agjooga waa qof u af-duuban, sababtuba sidey doonto ha noqotee," ayuu Facebook-giisa ku daabacay.

Dhanka kale, maamulka Farmaajo ayaan wali kama hadal baaqyadda kaga imaanaya Caalamka. Dadka qaar waxay sheegayaan in ay ka fekeraaan talaabada xigta, halka kuwa kale xusayaan in ay kasoo kasoo kabanayaan jabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM