Taliyaha Booliska Luuq oo la xiray

Image

LUUQ, Somalia - Ciidamada amaanka Jubbaland ee ku sugan Luuq ayaa xabsiga dhigay Talihii Booliska degmadaasi Diyaad Cabdi Kaliil, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu xabsi kasoo daayay xubno katirsan Al shabaab, oo xukun sugiyaal ahaa.

Wararka Warsidaha Garowe Online ka helayo gobolka ayaa sheegaya in Amarka lagu xiray Mas'uulkan uu bixiyay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, oo Khamiistii lasoo dhaafay usoo raacay degmada Doolow, oo ku taalla xuduuda ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Ciidamada Ethiopia ayaa Diyaad Cabdi Kaliil ku xiray Xabsiga Doolow, halkaasi oo horey ugu xurnaayeen Gudoomiyaha degmada Balad Xaawo, ku xigeenkiisa iyo Taliyaha Nabad Sugida, oo loo haysto inay bixiyeen amarkii lagu dilay afar Maxbuus maalintii Axadii lasoo dhaafay. 

Diyaad Cabdi Kaliil wuxuu la dhashay Maxamed Cabdi Kaliil, Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo, haddana ah Wasiiru dowlaha Wasaarada amniga Jubbaland. Wali ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay Jubbaland, oo ku aadan sababta ka dambaysa xariga Diyaad.

Cabdirashiid Janan oo ku sugan maalmihii lasoo dhaafay degmooyinka katirsan Gedo, ayaa Gogol xaar u sameynaya booqasho la filayo in dhawaan Madaxweyne Axmed Madoobe ku tago gobolkaasi, gaar ahaan degmooyinka, Balad Xaawo, Luuq iyo Doolow.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM