Taliyaha booliska Soomaaliya oo "ka badbaadey isku-day dil"

Image
Xijaar ka baxay goobta la weeraray ee ku taala xeebta Liido waxyar kahor inta aysan dableydu gudaha ugu daadan dhismaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa caawa isku-day dil kaga badbaadey maqaayad ku taala xeebta Liido markii ay weerareen dabley loo maleynayo Al-Shabaab.

Xijaar ka baxay goobta la weeraray ee ku taala xeebta Liido waxyar kahor inta aysan dableydu gudaha ugu daadan dhismaha, sidda Garowe Online u sheegeen qof ku dhow Jeneraalka.

"Qaraxu wuxuu dhacay iyada oo taliyuhu kasoo baxay goobta, uuna saaran yahay gaarigiisa. Hadda wuxuu si nabad ah ku tahay gurigiisa," ayuu raaciyey shaqsigan.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa tabisay in ciidamadda dowladda ay "si degdeg ah uga falceliyeen falkan argagixiso". Balse, waxay ka gaabsatay in ay soo bandhigto fashilkooda ka hortaga hujuumkan.

"Waanu nabad-qabnaa," ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Qowdhan Warsame oo lagu waramay in uu kamid ahaa mas'uuliyiinta ku jirta goobta la weeraray ee ku taala xeebta Liido caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Mudanaha wuxuu kamid ahaa xubno kale oo la afuray taliyaha booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Xijaar, oo qudhiisa sanadkan ku guuldareystay isku-day uu ku doonayay in uu kaga mid noqdo baarlamaanka 11aad ee waddanka.

Afhayeenka Ciidanka Booliska, Gaashaanle C/fitaax Aadan Xasan, ayaa sheegay in qof isa soo miidaamiyay uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Xeebta Liido abaare 8:40pm xilliga Geeska Afrika.

Xasan ayaa wuxuu sheegay in 3 qof ay dhinteen xilli hay'adaha caafimaadka ay wariyeen Ambalaasta in 6 ruux ay dhinteen, sideedna ay dhaawacmeen. Ma ahayn weerar adag sidii markii hore loo maleeyay.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli loo diyaar-garoobayo doorashadda gudoonka Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ayna magaalada Muqdisho hareeyeen kulamo ay Xildhibaaanda uga tashanayaan cidda ay dooranayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM