Taliyaha howlgalka AMISOM oo laga soo celiyay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Taliyaha howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta oo Talaado ah waxaa dib looga soo celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Sarkaalkan Itoobiyaanka ah, Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa lagu waday in uu kulamo la yeesho dhinacyo kala duwan, oo uu doonayey in uu kala xaajoodo arrimo ku xeeran xaaladaha halkaasi ka jira.

Taliska AMISOM si gaar ah xafiiska qaabilsan warfaafinta iyo midka taliye Tigabu Yilma Wondimhunegn, illaa iyo haatan, wali kama uusan fal-celinta dhacdadan.

Illo wareedyo si dhow ula socday dhacdadan ayaa u dusiyey GO in Wondimhunegn uu saameeyay amarka lagu xiray madaarka caasimadda ku meel gaarka Jubbaland, kaasi oo dhaqan-galay maanta.

Dib u celinta Tigabu Yilma ayaa waxay kusoo beegmaysa iyadda oo Isniintii diyaarad ka timid dhanka waddanka Itoobiya loo diiday in ay cago dhigato garoonka diyaaradaha xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Mas'uuliyiinta Waaxda Duulista Hawada ayaa sababta ku macneeyay in diyaaradda, oo kasoo duushay magaaladda Goddey, aysan iska soo horumarin wax fariin ah, oo ku aadan in ay kusoo jeedo madaarka.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowlad goboleedkan, howlaha garoonka oo loo hakiyay doorashada madaxweynaha oo 22-ka August qabsoomeysa ayaa dib u bilaabanaya 23-ka August, maalinta kadib coddeynta.

Maamulka Kismaayo ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in uu xiray dhamaan xuduudaha dhulka, cirka iyo badda ee laga soo galo Kismaayo, isla markaana uu heegan sarre la geliyay laamaha nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM