Taliyaha NISA oo gudbiyey warqadiisa is-casilaadda

Image
MUQDISHO- War qoraal ah oo kasoo baxay Sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in Taliyaha hay'adda Cusmaan Xuseen Cusmaan [Calool Kuus] uu Madaxwayne Farmaajo u gudbiyey war-qadiisa is-casilaadda.
 
Qoraalka laguma caddeyn in Madaxweyne Farmaajo ka aqbalay Taliyaha shaqo ka tegistiisa, taaso kusoo beegmeysa xili warsidaha GO ogaaday inuu isku soo taagi doono doorashada madaxwaynaha Koonfur Galbeed.
 
Doorashadda Koonfur Galbeed oo dhaceysa bisha dambe ee November ayaa la fahansan yahay in Villa Soomaaliya ay dooneyso inuu kusoo baxo shaqsi gacan-saar la leh xili ay Roobow ay shaki ka muujisay.
 
"Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS," ayaa lagu yiri qoraalka NISA.
 
Taliye Xuseen ayaa asbuucii hore wuxuu gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed, halkaasi oo uu u tegay si uu Mukhtaar Roobow oo murashax ah ugu qanciyo inuu tartanka ka haro.
 
Warar warsidaha GO helayo ayaa intaas ku daraya in Madaxda dowladda u balanqaadeen Xuseen in hadii doorashada looga soo guuleysto uu xafiiska dib ugu soo noqon doono.
 
 
GAROWE ONLINE 

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM