Taliye Asad Diyaano oo qaabilay saraakiil kasoo laabatay waxbarasho dibada ah

Image
Hogaanka Qorshaha iyo Tababarada ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn Taliyaha Warbixin ka siiyey soo laabashada Saraakiishan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Saraakiil kasoo qalin jabiyey waxbarashada heerka labaad (Master Degree) oo dalka Dibadiisa ku maqnaa.

Hogaanka Qorshaha iyo Tababarada ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn Taliyaha Warbixin ka siiyey soo laabashada Saraakiishan, waxaana ay xaqiijiyeen xafiis ahaan in si wanagsan uga faa’iideysteen fursadda waxbarasho ee dalka dibadiisa ugu maqnaayeen mudada dheer.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiisha soo dhameysatay Waxbarashada Hambalyo iyo Bogaadin la wadaagay, waxaana uu qiray in soo laabashadoodu ku soo aaday xilli loo baahnaa qeybna ka noqonayaan qorshaha horumarinta Ciidanka Booliiska si looga faa’ideysto aqoonta ay soo barteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM