Taliye cusub oo loo magacaabay ciidanka ilaalada UNSOM

Image
Peter Magungu oo u dhashay dalka Uganda ayaa la wareegay hogaanka taliskan muhiimka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Lt Col Peter Magungu oo u dhashay dalka Uganda ayaa 19 February 2022, waxa uu si rasmi ah ula wareegay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay (UNGU) ee Soomaaliya, ka dib munaasabad ka dhacday Muqdisho oo uu xilkaasi laga wareejiyay taliyihii hore Lt Col Francis Odikiro.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliye ku xigeenka Ciidamada Dhulka ee AMISOM Gen Sam Okiding waxaana munaasabadaasi ka dhacday Xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Gen Okiding ayaa u mahad celiyay taliyihii hore iyo ciidankii la shaqaynayay sida wanaagsan oo ay u soo dhaweeyeen ciidamada cusub, isagoo sidoo kale xasuusiyay taliyaha cusub ee Lt. Col. In ay ilaaliyaan sharciga marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee Soomaaliya.

Taliyaha xilka ka dagaya ee UNGU VII, Lt Col Odikiro ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay madaxda UN iyo UPDF ee Muqdisho taageerada hagar la'aanta ah iyo hagidda ay siiyeen kooxdiisa oo ay ugu muhiimsanayd, intii lagu jiray masiibada COVID-19.

Taliyaha cusub ee UNGU VIII, Lt Col Peter Magungu, ayaa hadal uu jeediyay wax yar ka dib markii uu la wareegay xafiiska, waxa uu balan qaaday in uu si wanaagsan uga soo bixi doono shaqadiisa, waxa uuna u mahadceliyay talihii ka horeeyay ee xilka ku wareejiyay.

Magungu ayaa lagu wareejiyay calanka Qaramada Midoobay waxaana ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Kiki Gbeho oo ku soo dhaweysay kooxdan cusub ee ka tirsan kooxda ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna muujisay sida ay uga go’an tahay wada shaqaynta wanaagsan oo dhexmarta.

Marwo Kiki oo hadalkeeda sii wadata ayaa u mahadcelisay dowladda Uganda oo siisay ciidan xirfad sare leh oo lagu sugo xarumaha iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

UPDF ayaa markii ugu horeysay la hoos geeyey UN-ka Soomaaliya 1-dii April 2014,kadib markii la sameeyay UNGU ka dib Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 24-kii July 2013 iyo Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2124 ee ku taariikhaysan 12 Nov 2013 ee ahaa in la sugo amniga shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo Qaraxyo ka dhacayeen Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Qaybta Koowaad ee AMISOM Brig. Gen. Keith Katungi, Saraakiisha Sare ee Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo dhammaan madaxda waaxyaha hoos yimaada UNGU VII iyo VIII.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM