Taliyihii booliska koonfurta Gaalkacyo oo u dhintay dhaawacii soo gaarey

Image

GAALKACYO, Galmudug - Taliyihii saldhiga booliska koonfurta Gaalkacyo, Gaashaanle Cawil Nuur Rooble ayaa u dhintay dhaawacii kasoo gaarey qaraxii loogu rakibay gaarigiisa.

Weerarka oo aroornimadii Isniintii dhacay ayaa waxaa sidoo kale uu dhaawac kasoo gaarey dad kale oo rayid ah, kuwaasi oo wadada marayey, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Cawil ayaa goobta looga qaadey dhaawac, balse waxaa markii dambe lasoo wariyey in uu u geeriyoodey dhacadaasi, sidda ay xaqiijiyeen xubno kamid ah qoyskiisa.

Kooxda Al-Shabaab oo gacan-saar la leh Urur-weynaha Al-Qaacida ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkaasi oo laamaha ammaanka ay ku raad-joogan cidii ka dambeysay.

Marxuumka ayaa lagu aasey gudaha Gaalkacyo, waxaaan ka qeybgalay mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan kuwaasi oo tasci tiiraanyo leh u diray ehelada sarkaalkaasi.

Gaalkacyo ayaa ah magaalo ay ka kala arrimiyaan dowladda Puntland iyo maamulka Galmudug, waxaana ay leedahay ciidamo amni oo isku dhaf ah kuwaasoo nabad-gelyada suga.

Xoogaga dowladda ayaa si joogto ah u qaada roondooyin lagu sugayo amniga magaaladda, kaasi oo mudooyinkii dambe ahayd mid ammaankeeda uu soo hagaayey.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM