Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Image

MUQDISHO – Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Mahad Cabdiraxmaan "Shub", ayaa hanjabaad u jeediyay hoggaamiyaha xoogga Villa Somalia ku geystay hogaanka maamulka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), xilli ay isa soo tarayaan wararka ku saabsan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda gobolka Baay.

Muuqaal laga soo duubay, Mahad Shub ayaa ku eedeeyay Aadan Madoobe inuu u adeegayo danaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu ka shaqeynayo qorsheyaal siyaasadeed oo la xiriira 77-ka kursiga ee laga soo doorto Koonfur Galbeed.

Wuxuu sidoo kale ku hanjabay in Aadan Madoobe uusan "hal habeen nabad ku seexan doonin Baydhabo", isagoo xitaa diyaarado geystay, si ay uga difaacaan duulaanka Lafta-Gareen.

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa, isagoo ku eedeeyay Aadan Madoobe inuu door ku lahaa xabsi-gurigii dowladda federaalku hore ugu gelisay Muqdisho ka hor dagaalladii ka dhacay Koonfur Galbeed.

"Aadanoow intaad Maamulka qabsatay hadaad hal Habeen Baydhabo Nabad ku seexato dambigeeda anigaa leh,Diyaaradaha aad keentay oo kuu jooga ayaan lagu deyneyn ee dadka haa ku dhameyn," ayuu yiri Taliye Shub.

Hanjabaaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ciidamada daacadda u ah Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan gobolka Baay, kuwaas oo la sheegay inay doonayaan inay dib ula wareegaan magaalada Baydhabo oo horey dhowr jeer u weerareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM