Taliyihii NISA oo wata Ciidamo, Gadiid iyo Hub oo ka degay Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Taliyihii hore ee Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, ahna Murashax doorashada Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Xuseen Cusmaan Xuseen [Calool Kuus] ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo.

Calool Kuus oo diyaarad qaas ah ay ka duulisay caasimada dalka ee Muqdisho ayaa horey uwatay ciidamo badan, gaadiid dagaal iyo Gawaari kale oo ah kuwa aan xabadda karin.

Warar xog ogaal ah oo uu helayo warsidaha GO ayaa sheegaya inuu dhowaan si rasmi ah ugu dhawaaqi doono murashaxnimadiisa doorashada lagu wado inay bisha dambe ka qabsoonto xarun goboleedka Bay.

Xuseen oo horaantii bishaan ka tegay shaqada NISA ayaa la fahansan yahay inuu kamid yahay xubnaha ay dowladdu taageereyso ee kasoo muuqan doono baratanka siyaasadeed ee doorashada maamulkaan.

Murashaxiinta dhanka dowladda ka socda ee Baydhabo ku sugan waxaa kamid ah Wasiirka Tamarta xukuumada, Mr Lafta Gareen, kaasi oo isana ciidamo iyo gaadiid dagaal horey ukaxeystay.

Madaxwaynaha waqtigu ka dhamaaday, Shariif Xasan, Mukhtaar Roobow iyo murashaxiin kale ayaa qayb ka tahay xubnaha baratanka ka qaybgalaya, kaasi oo sanadkaan ka duwan kuwii hore.

Madaxda dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku hayso doorashadda Koonfur Galbeed, taasi oo ay dooneyso inuu kusoo baxo murashax ay isku feker yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM