Taliyihii sirdoonka Soomaaliya ee Gedo oo qarax lagu dilay

Image
Lix askari kale oo uu ku jiro darawalka gaariga ayaa sidoo kale waxaa soo gaarey dhaawac.

KISMAAYO, Jubaland – Taliyihii hay'adda sirdoonka dowladda federaalka ee gobolka Gedo, Bakaal Kooke, ayaa lagu dilay qarax miino oo xalay lala eegtay, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil amni iyo xubno kamid ah qoyskiisa.

Weerarkan ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee gacansaarka al leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee koonfurta Soomaaliya.

"Lix askari kale oo uu ku jiro darawalka gaariga ayaa ku dhaawacmay isla qaraxaan," ayay Garowe Online u sheegeen saraakiil amni. "Dhamaantooda waxaa la dhigay isbitaal oo lagu daaweynayo".

Marxuum Bakaal ayaa ka baxay degmada Luuq oo maalmihii lasoo dhaafay uu joogay. Safarkiisa waxa uu ku wajahnaa degmada Doolow si uu u soo dhaweeyo wafdi ka socdey dowladda federaalka.

Gobolka Gedo ayaa shantii sano lasoo dhaafay waxa uu xudun u ahaa is-qabqabsi siyaasadeed. Bakaal waxa uu maamulayey ciidamada dowladda federaalka ay halkaas geysay kana soo horjeeday Jubaland.

Dhinaca kale, agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa tacsi u direy qoyska taliye Bakaal, isagoo ku sheegey qoraal uu soo dhigey mid kamid ah barahiisa bulshada in baaritaan lagu sameeyo dilka loo gaystey taliyaha. 

Maamulka cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la rumeysan yahay in uu wado qorshe uu gacanta Jubaland dib ugu soo celinayo gobolka Gedo si looga abaabulo guluf ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

Bishii hore ee November, saraakiil Itoobiyaan ah ayaa soo afmeeray khilaaf ka dhaxeeyay hogaanka gobolka Gedo kuwaasoo isku-haystay dhaqaale kasoo xarooda isbaaro iyo cidda yeelanaysa amaradda ugu muhiimsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM