​Thaabit oo xilka ka qaadey Khasnajigii Dowladda Hoose

Image

MUQDISHU, Somalia - Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa xilka ka qaadey Khasnajigii Dowladda Hoose, Cabdiraxiin Iimaan Jimcaale.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Thaabit ayaa shaqada loo eryay Cabdiraxiin, kadib markii uu sameeyay maamul xumo iyo amar diido joogto ah, oo saameeysay habsami u socodka shaqada waaxda uu katirsanaa.

Thaabit ayaa u magacaabay Xamdi Cali Nuur oo horay u aheyd Madaxa Xubinta Khasnajiga ee dowladda Hoose xilka laga qaadey Cabdiraxiin Iimaan Jimcaale ee ah Khasnajigii Guud ee Dowladda Hoose Xamar.

Cabdiraxiin Iimaan Jimcaale, wali kama uusan hadlin sida uu u arko Xilka qaadista lagu sameeyay.

Hoos ka akhri Wareegatad kasoo baxday Xafiiska Thaabit;

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM