Tirada rayidka Mareykanka "ku dilay" Soomaaliya 2020

Image

WASHINGTON, USA - Hay'adda Airwars ayaa waxay soo bandhigtay tirokoob ku saabsan tirada shacabka ee ku dhintay duqeymaha Mareykanka aduunka ka fuliyey sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2020-kii.

Sida ku xusan warbixinta, 102 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyoodey weeraro dhanka cirka ah oo Washington ka fulisay guud ahaan aduunka, waxaana ay ka badan shan jeer tirada Mareykanka uu qirtey.

Waaxda difaaca Mareykanka ayaa warisay in kaliya 23 rayid ah ay ku nafwaayeen howlgaladeeda dhanka hawada ee ay ka fulisay wadamada ay colaaduhu ka jiraan kana howlgalaan ciidamadeeda.

Si gaar ah Soomaaliya oo askarta Ameerikaanka ay ka hayaameen horaantii sanadkan 2021 ayay wasaaraddu tibaaxdey in kaliya hal qof oo shacab ah ay ku dhinteen duqeymihii ay geysteen sanadkii 2020.

Hase ahaatee, tirokoobka hay'addan ayaa muujinaya in geeridu ay gaareyso 7, waxaana ka hooseeya wadamadda Suuriya iyo Ciraaq - oo saxaafaddu soo warisay tiro dhimasho rayid oo gaareysa lix ruux.

Hina Shamsi oo ka tirsan Ururka Xuquuqda Rayidka ee Mareykanka (ACLU) ayaa tiri "Waa cadahay in baaritaanada Waaxda Difaaca iyo qirashada waxyeelada rayidka ay tahay mid aad u xun oo aan ku filneyn".

Shamsi, oo madax ka ah Mashruuca Amniga Qaranka ee ACLU ayaa ku dartey: "Waa wax lala yaabo in sanadka 2020, Waaxda Difaaca aysan bixin ama wax lacag ah oo lagu badalay wax yeelin siinta dadka rayidka ah iyo qoysaskooda".

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa horey u balanqaadey in ay magdhow siinayaan qoysaska la xaqiijiyo in xubno kamid ah ay ku nafwaayeen duqeymaha ay ka geysteen dalal Soomaaliya ku jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM