Toban xubnood Al-Shabab iyo ISIL ah oo dil toogasho lagu fuliyey

Image
Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa fulisay xukunadan maalmihii lasoo dhaafay

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay xukun dil ah ku fulisay laba xukumane kuwaasoo la sheegay in lagu helay Al-Shabaabnimo.

Cabdulle Axmed Muudey oo 24-jir ah iyo Cumar Aadan Maxamed oo 29-jir ah ayaa sidoo kale waxaa la wariyey in lagu helay inay dileen 2-askari oo ka tirsan ciidamada nabad-sugidda sannadkan 2019-ka.

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay, maxkamadda ciidamada ayaa dil toogasho waxay ku fulisay tobban xubnood kuwaasoo la sheegay in ay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Warar laga helay illo ku dhow maxkamadda ciidaamdda ayaa tibaaxaya in madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay in ka badan 25 xubnood oo Al-Shabaab iyo Daacish isugu jiray in dil toogasho lagu fuliyo.

Shaqsiyaadkan oo qaarkood ay laamaha ammaanka gacanta kusoo dhigeen iyagoo dambie ku howlan ayaa badankooda waxaa la xukumay intii uu xafiiska joogay madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cadaadis ka yimid qaar kamid ah dowladaha caalamka ayaa la wariyey in ay dib u dhigtey fulinta xukunada dilka toogashada si gaar ah ayna dalbadeen in la siiyo fursad dhaqan-celin ah.

Go'aanka uu gaarey madaxwayne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli dowladiisa ay iclaamisay "dagaal aan waxba la iskula hareyn oo ka dhan ah maleyshiyaadka Al-Shabaab kaasoo ka soconaya qaybo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM