Trump oo shuruud ku xiray bixinta dhaqaalaha Howlgalka Soomaaliya

Image

WASHINGTON - Dowladda Mareykanka ay qorsheynayso inay joojiso taageerada dhaqaale ee howlgalka lagula dagaallamayo Al-Shabaab, ilaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo Midowga Yurub ay si caddaalad ah uga qeyb qaataan kharashaadka ku baxa AUSSOM oo ka shaqeynaya amniga dalka Soomaaliya.

Sida ay baahisay Warbaahinta Fox News Digital Qorshahan waxaa diyaariyay saddex Senator oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kuna Madaxweyne Donald Trump kuwaasoo kala ah Jim Risj oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senate-ka, Ted Cruz, iyo Rick Scott.

Hindisahan loo bixiyay “Xeerka Xaddidaadda Maaliyadda AUSSOM ee 2025”, ayaa sida uu xusay Senator Risch “ilaalin doono canshuur bixiyaha Mareykanka, islamarkaana Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ku qasbi doono inay qaataan masuuliyadda ka saaran hawlgallada nabad ilaalinta ee Afrika”.

Saddexda Senator ayaa doonaya sidoo kale in Mareykanku uu si buuxda uga hor yimaado tallaabo kasta oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qaado maalgelinta hawlgalka AUSSOM, maadaama aan si isla siman loo bixinayn lacagta.

Senator Risch wuxuu eedeeyay Midowga Yurub oo doonaya in kharashka hawlgalka AUSSOM uu intiisa badan ka yimaado dhinaca Mareykanka.

Wuxuu sii raaciyay: “Waqti dheer ayay saaxiibbadeen nagu xirnayeen dhaqaale ahaan, waana waqtigii ay iyagu qaadi lahaayeen hadda mas’uuliyad Howlgalka AUSSOM.”

“Mareykanku ma ogolaanayo in canshuurihiisa lagu baabi’iyo hawlgal aan caddaalad loo maalgelin, isla markaana aan hufnaan ku shaqeyn,” ayuu yiri Senator Scott ayaa isna yiri.

Mareykanka ayaa ah dal si wayn u siiya dowladda Soomaaliya taageero dhanka la dagaalanka Al-Shabaab, wuxuuna fuliyaa duqeymaha cirka oo lagu beegsado kooxaha mintidiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM