Trump oo Soomaalida ku sheegay “qashin” iyo dad“aan dal lahayn” kadib shir uu la qaatey Golihiisa Wasiirrada

Image

WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadallo aad u kulul oo si toos ah u beegsanaya Soomaalida jeediyey kadib markii uu saxaafadda la hadlay dhammaadka shirkii Golihiisa Wasiirrada ee Aqalka Cad. Trump ayaa sheegay in Soomaalidu yihiin “dad wax ka khaldan yihiin”, “aan dal lahayn”, isla markaana ay “kaliya yaqaanaan sidii ay isu dilli lahaayeen”.

Trump, oo weerarkiisu afka ah sii xoogeystay, wuxuu yiri: “Markaan arko qof la yiraahdo Ilhan Omar — oo aan aqoon balse aan sanado daawanayey — waxay ka cabaneysaa dalkeena iyo dastuurkiisa, waxayna leedahay dalkaan waa mid xun. Iyadaa ah qof xun oo aan shaqadeeda ka adkeyn.”

Isagoo ka hadlayay gobolka Minnesota ayuu ku eedeeyay Soomaalida inay “baabi’inayaan dhulkii quruxda badnaa”, isla markaana “dhaqaalaha gobolka ay dhaceen”. Wuxuu ku dooday in ay dalka “sanad walba ka lumiyaan balaayiin dollar”, islamarkaana “aanay waxba ku soo kordhin Mareykanka”. Wuxuu intaas ku daray in “88% lacagaha qaxootiga qaataan”, isagoo yidhi: “Daacad baan u hadlayaa, ma rabo iney dalkaan sii joogaan.”

Trump, oo adeegsanaya erayo  si weyn u dhaawacaya bulshada Soomaaliyeed, ayaa sheegay in “dalka Soomaaliya uu urayo ama yahay meel quruntay”, wuxuuna ku hanjabay in “Mareykanku meel xun ku dambeyn doono haddii dad qashin ah soo urursado”. Wuxuu si toos ah u weeraray Ilhan Omar isagoo ku tilmaamay “qashin”, waxaana uu sidoo kale sheegay in “saaxiibadeedu ay yihiin qashin”, isagoo ku eedeeyay in “aysan wax kale sameyn oo aan ka ahayn cabasho, halka ay ka yimaadeenna waxba ka jirin”.

Kadib hadalladan, waxaa saxaafadda la hadlay duqa magaalada Minneapolis Mayor Jacob Frey, xubno ka tirsan golaha deegaanka oo uu ka mid yahay Jamal Cismaan, iyo Madaxa Booliska Minneapolis Brian O’Hara kuwaas oo welwel ka muujiyey hadalada Trump.  Mas’uuliyiintani waxay shaaciyeen in booliiska Minneapolis “aanay wax gacan ah siin doonin hay’adda Federaalka u qaabilsan soo-galootiga”, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in hay'dahaas diyaar u yihiin howlgal lagu fuliyo Soomaalida gobolkaas dagan. 

Hadallada Trump ee kulul iyo falcelintii ka dhalatay waxay cabsi dheeraad ah ku abuureen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota iyo guud ahaan Mareykanka. Qoysas badan ayaa ka walaacsan beegsi, cunsuriyad iyo cadaadis sharci oo sii xoogeysan kara.

Dowladda Soomaaliya ayaan illaa hadda wax hadal ah ka soo saarin eedeymaha Trump, oo uu ku sheegay in Soomaaliya tahay “meel aan waxba ka jirin”.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xaaladda Somaliland: Muuse Biixi oo lagu eedeeyay is-rasaaseyntii Garoonka Hargeysa

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in tani ay tahay markii labaad oo kooxdii ammaanka ee Muuse Biixi ku lug yeelato dhacdo noocan.

  • Soomaliya

    02-12-2025

  • 11:00AM

“Shaqo la’aan, lacag la’aan”: Soomaalida Yemen oo rajo ka qaba iney dalkooda ku soo laabtaan

Laakiin xadka dalka oo si adag loo ilaaliyo, badankoodna waxay ku dhibtoonayaan inay ka baxaan Yemen.

  • Soomaliya

    02-12-2025

  • 09:17AM