Tuhun ka dhashay weerarka Al-Shabaab ee madaarka Aadan Cadde

Image
Khuburo iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa su'aallo ka keenay qaabka dabley u gaartey aaggan aadka loo ilaaliyo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tuhun ayaa ka dhashay weerarka ay maleyshiyadda Al-Shabaab Arbacada maanta ah ka fulisay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ugu yaraan lix qof oo isugu jira shacab iyo askari - si lamid ah dableyda howlgalka fulisay oo ahayd laba mitidiin ah ayaa ku nafwaayey falkan, sida ay Garowe Online u sheegeen illo dhanka caafimaadka.

Khuburo dhinaca ammaanka iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa is-waydiinya qaabka ay dagaalameyaasha argagixisada ah ugu suurtagashay in ay gaaraan aaggan sida weyn loo sugo amnigeeda.

Goobta weerarka ka dhacay ayaa ku dhow hangarka lagu doorto madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhextaala xerada Xalane oo ay dagan yihiin diblumaasiyiinta dalalka shisheeye kuna yaalaa safaarado.

Dhacdadan ayaa kusoo aaday iyadda oo qiyaastii saddex bilood kahor ay laamaha ammaanka reer galbeedka ay cod dheer kaga digeen in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay beegsan karaan Xalane.

Bilowga "howlgallo taxane ah"

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka 11aad ee la doortey iyo musharax madaxwayne, ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay soo gaareen "hanjabaado shaqsi ah".

Warsame oo aan bixin tafaasiil intaas ka baxsan ayaa hoosta ka xariiqay in weerarkii maanta uu "bilow u yahay howlgalo maalmaha soo aadan dhici kara". Ma uusan soo bandhigin caddeymo xoojinaya hadalkiisa.

"Al-Shabaab xoog kuma soo gelin gudaha, wayna cadahay in lala shaqeeyey, loona fududeeyey hawlgalka. Waxaa kaloo iyana muuqata in weerarkii maanta uu jawaab u ahaa farriintii ahayd in doorashada guddoonka Baarlamaanka lagu qabto teendhada Afisyoone," ayuu kusoo qoray ciwaankiisa gaarka ah ee mareegga Facebook-ga.

Taliska booliska Soomaaliya oo aan ka jawaabin warbixinada la xiriira in Al-Shabaab ay qorsheyneyso shirqoolo kale ayaa carabka ku adkeeyay in weerarkii maanta uusan u dhicin sidii maleyshiyada qorsheysay.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys xasaasi ah. Doorashada xeerdejinta ayaa dhamaad ku dhow. Xulista guddoonka labada aqal ayaa isha lagu hayaa. Ammaanka waa mid kamid ah qodobada ugu mushkilada badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM